Friday, September 21, 2012

1
Halgankii Ummada
&
Hamigii Lixle
(IHUN)
Bahda Mareegta Farshaxan
Oktoobar 17, 2009
“Ma maanta ayaan odhan karayaa Lixle, Kood-buur, iyo Axmed-dhagax way iska
dhinteen? Ma awoodi karno in aynu sidaa nidhaahno. Ma maanta ayaa laga saari karayaa
halgankii ummaddani lahayd waxbarashadii, waannu aragnay oo way dhacday. Wasiirka
Waxbarashada aad baan uga xumahay da’diisa marka aynu eegno iyo inuu u habrado afar
inan oo aynaan garanayn oo UNESCO u shaqeeya oo la dagaalamaya taariikhda
Somaliland, halgankii ummadda iyo waxay ummaddani soo martay”.
Sh.Aadan Siiro
Bowdada markii aan ka jabay, boqonka taaggiisa
Habeenkiiba waa i bidhan lahaa, bahalkii cawlnaaye
Raggii buurta dheer igala baxay, beerka ka ogsooni
Bah-Cillaamo goortay dhammaan, iga dul booyaysey
Bah-Sadhaysna "baga" inay i tidhi,beerka ka ogsooni
Ninkii Burunji inuu iga cuno, ii barriidinaayey
Ee aan bar kale ii tarayn, beerka ka ogsooni
Ninkii Belad shisheeye iga jiray, ee soo bixi waayey
Ee in aan bogsado uun jeclaa, beerka ka ogsooni
Laxaad waa badhaadhee hadduu, ii bogsado xooggu
Haddii uu biixiyaha Eebbahay ,isugu kay  beego
Abaal badh ah abaal bur ah  abaal bur iyo dheeraad ah
Ninba kiisa kaan ugu beddeli, beerka ka ogsooni .
Xaaji Axmed Gabay-Xaddi(IHUN)
Fu,aad Sh.
Bahda Mareegta Farshaxan
Oktoobar 17, 2009
2
Taariikhda oo lagu yaqaan inay rogaalcelis samayso hadaan laga faa’iidaysan ayaa  ururkii
SNL ee ku guulaystay doorashadu  hilmaamay  halgankii ummadu u soo martay
gobanimada ,islamarkaana  ogolaaday inay ka sugaan  dad kale qoritaanka taariikhda
halgankaa si loogu kaydiyo jiilalka danbe.Hase yeeshee  may helin  maamuuskii  ay
mudnaayeen .Sooyaalkii halgankooduna wuxuu ku dhacay  god si badheedh aay
xukuumadihii kala danbeeyey ugu rideen.Sidaa si la mid ah ayaa  hormoodka SNM ee
noolina  taa mid la mid ah la wadaagaan hormoodkii SNL ,ka dib markay  cid kale ka
sugeen maamuusid .Waxaase mahad gaar ah leh  xubnaha ka tirsan hormoodkii SNM ee  si
hagar la’aaneed uga qayb qaatey qoraalada ku soo baxa  mareegta Farshaxan iyo kuwa u
hiladay  qoritaanka halgankii dheeraa.
“Qofka aan garan wuxuu mudan yahay cid kale uma garato”.
Waxaa si aan gabasho laheyn ugu balbalaadhiyey inaan taasi suurtogalayn gudoomiyaha
xarunta manaahijta  Cabdilaahi Yaasiin Dirir  yidhina: “Idinkoon (xubnihii SNM) waxba
haynin ummadana waxba u soo bandhigin, anigu ma qori karo manhajka SNM…”1
Hadaba bahda Mareegta Farshaxan sidii caadada u aheyd ayey u tafo xaydatey sugitaanka
sooyaalka taariikheed ee halyeyadaa  u badheedhay  hawlgalid, dabkana saaray intoodii
gaarka aheyd ee ay gu’yaal u soo halgamayeen kana hormariyeen danta bulshada  oo ay la
soo gudboonaatey hagardaamada dawladii habaarqabe ee xukunka gacanta ku haysay
markaa iyo kuwii ka horeeyeyba.
Xiligan oo dadweynaha Somaliland u diyaar garoobayaan xuska maalintii qiimaha laheyd
ee loo suntay “Shuhadada SNM”, waxaa maanka toosani ina tusinayaa inaynu hormoodkii
maalintaa  la beegsadey dagaal  magacawno, kuna darno  golaha  taalodhiska  ee ku
xardhan  xusuusta inta danaysa  horumarka iyo hanaqaadka dalka iyo dadka Somaliland.
Gudoomiyaha gudiga qabanqaabada Xuska Maalinta Shuhaadada SNM  mujaahid Quule
Cabdi Xasan ooy bahda mareegta hadhwanaagnews ka wareysatey qaabka loo abaabulayo
gu’gan iyo wuxuu kaga duwanaanayo kuwii hore wuxuu yidhi: “Doorkan waxaanu wadnaa
laba arimood oo ah in horta Quraan loo akhriyo shuhadadaa, iyo in si gaar ah loo xuso lana
siiyo bilad sharaf mujaahidiintii ka qayb galay Burco Duuray”. Sidaa darteed ayey
mareegta farshaxan u  hawlgashay siday u sugi laheyd sooyaalkii Mujaahid Lixle oo
hogaaminayey dagaalkaa Burco Duuray oo qiimuhuu halganka ku lahaa  la garan karo.
Xilli ku beegnayd horaantii sideetamaadkii ayaa waxay aheyd maalin farxad iyo rayrayn
leh oo laga dareemayey dhamaan hay’adihii nabad galyada ee dawladii habaarqabto sida
qaybtii 26aad , Xaruntii nabad sugida, Xaruntii hangash (Dhabarjabinta), iyo xaruntii
saldhiga bilayska ee magaalada Hargeysa, markii  uu dhambaal guuleed ku soo dhacey
miiskii taliyaha qaybtii 26 aad ee Ina Xaashi “Gaani” oo sheegayey in Maxamed Xaashi
Diiriye-Lixle- raadkiisii qabashana arinkiisu yahay.
Waxaa loo gudo galay sidii guushan horta leh loo soo dhaweyn lahaa oo dhabarjab iyo guul
daro weyn ku ridi doonta dhaqdhaqaaqii  SNM iyo kuwa la garab jooga taageerada hiil iyo
hooba leh .
1 Mar dood ay Idaacada Codka Ameerika u qabatay Cabdilaahi  Diiriye iyo Xasan ciise
3
Wuxuu amray Gaani in si  deggan oo wanaagsan loo qaabbilo gogoshana loogu fidiyo
dhambaal sidihii iyadoo waliba loo fududaynayey gudashada hawshaa qaran.Dhamaan
hay’adihii dawladaa ee nabad galyadu  ayaa la wargaliyey in ay la socdaan  hawlgalkaa
muujinayey kartida iyo waxqabadka  hay’adahaa ee gobolada woqooyi, taasi  oo si ba’an u
curyaamin laheyd yididiiladii laga qabay dhaqdhaqaaqii SNM , keenina laheyd dabargo’ii
SNM-ta ee lagu gami’i lahaa.
Hay’adihii nabad galyadu waxay fiiro gaar ahaaneed ku hayeen  saraakiishii dawlada ka
tirsanaa, ganacsatadii, iyo dhamaan intii haybta la wadaagaysay  xubnaha SNM siiba
hormoodkii ee loo tuhmi karayey taageeradii SNM.Waxay xiligaa wararku si iska
dabadhac ah u soo gudbin jireen inuu Maxamed Xaashi “Lixle” si joogto ah u joogo
gudaha wadanka, kuna hawlanaa hawlgalyo lagu curyaamin lahaa awoodii dawlada,
muujina lahaa tayada iyo hawlkarnimada xoogagii SNM. Xilligaa waxaa aad loo
tuhunsanaa in qabashada Lixle ay suurtogalin laheyd  dabagal lagu sameeyo saraakiil
dhawr ah oo uu ka mid ahaa  dhame Xayd (Ina ganbadh)   oo la filayey inuu la kulmo,  una
suurtogalin lahaa inuu Lixle falal ka fulin lahaa gudaha dalka.
Maalintaasi  markii la gaadhay xilligii  guryo fadhiisiga ee u jilbo dhigista qaadka nin
waliba  u goob raadinayey   ayuu  dhame Xayd (Ina ganbadh) u dhaqaaqey  halkuu
maalintaa jaadka la dhacadiidsan lahaa.Guri ku yaalay dhinacaa Xero Awr waxaa  ku
kulmayey maalintaa rag dhawr ah  oo uu ka mid ahaa  Cabdiraxmaan Aw Cismaan
Ismaaciil (Jawaan), Buraale Cilmi Cumar  ahaana dirawaladii ugu da’da waaweynaa,
Kheyre,iwm. Dadkaasi dhamaan way is garanayeen  aan ka  aheyn  Buraale Cilmi  oo
garan la’aa mid ka mid ahaa  raggii ku kulmayey meeshaa. Waxaanu  Buraale Cilmi si
badheedh ah u warsadey halkuu ka socday Kheyre ?. Laysma waalinee waxaa si degan
markiiba jawaabta ula booday  Cabdiraxmaan Aw Cismaan oo yidhi “waxaa la yidhaa
Kheyre oo waa  Jibriil Abokor  baayac mushtari baana  naga dhexeeya ”.  Intaasi waxay si
fiican u qancisay  waraystihii waydiinta horta leh la shir yimid aan dareemina wixii ku
ladhnaa iyo intii qarsoon ee la socotay warcelintaa.
Dhinaca kale  dhamaan hay’adihii iyagoo  la gaadhey  mijilis qaad u raadintii waxay soo
dhaweynta maalintaa farxadeed dhinac wadeen  hawlahoodii caadiga ahaa eey ka mid
aheyd  dabagalka iyo raadinta  guryaha lagu qayilaayo maalintaa iyo ka war haynta cida ku
qayilaysa  meeshaa iyada ah. Halka xaruntii   maamulka ama gurigii Gaani   laga waday u
diyaargarowga  iyo soo galbinta   “guushii” ka midho dhalatey dadaalkii, kartidii , wada
shaqeyntii , iyo  isku duubnidii  dhamaan hay’adahii sirdoonka iyo nabad galyada .Waxaa
maalintaa dhamaadkeedii sugi kara la’aa taliyihii qaybta  kana fikirayey  siduu ugu
gudbin lahaa  adeerkii  oo ahaa madaxweynihii dawladii  ee  habaarqabe Ina Siyaad
Bare.Taasoo uu u arkayey inay u noqonayso noqonayso mid  cimri dherer iyo xukun raaga
u kordhinaysa maamulkiisii.Isagoo niyadana ku hayey inay taasi u suurtogalinayso arintii
aheyd  “meeshaad  inankaaga dhigato uu baa waxqabadkeegu  ku soo gaadhaa ”.
Mijiliskii maalintaa   fooxa dabka loogu riday in la   caleemo saaro waxaa ku soo biiray
dhame Xayd. Lays wareysay laysuna gudbi warbixintii haboonayd. Dareeme akhyaartii in
la ogaan karo bartilmaameedna noqotay meeshii si hufana laysku waraysay, lagana
tabaabushaysay colka ku soo maqan. Rag dhawr ah oo albaabka meel in yar uun ka
durugsan joogay  ayaa ku hawlanaa  inay gudbiyaan warbixintii meesha magaceeda  iyo
4
sarkaalka ay arkeen isagoo sii galayey. Waxaase la yaab laheyd  in amar la siiyey raggii
dharcada ahaa loona sheegay  inay gudaha galaan soona qabqabtaan dhammaan  dadkii ku
jiray gurigii.
Dadkii  waxaa lagu shubay xafiiskii nabad suggida.Wareysi dheer dabadeed Buraale Cilmi
Cumar ayaa si la yaableh u yidhi oo haddaad nagu haysataan Lixle ma aragteen maad mar
horeba si toos ah noo waydiisaan?.Waxaa ku xigtay askartii oo la soo booday oo mee?
Buraale Cilmi Cumar ayaa si badheedh ah u qirtay inuu arkay Lixle, walibana siiyey
qaad,markaana ogaa halkii  uu joogay.Fariintaasi ayaa mudatay inay xukuumaddii  jirtay,
siiba  qaybihii qaabilsanaa nabadgalyadu,  soo dhaweeyeen  oo ilaa  garaad-laawe Gaani
gurigiisa  gogol farxadeed  maalintaasi u fidiyey.
Buraale  wuxuu u horkacay  hay’adihii riyaaqsanaa  inuu soo tuso  halkii uu Lixle
maalintaasi ku qayilayey. Waxaa la soo kaxeeyey Lixle.Warbixin layska sii horaysiiyeyna
loo gudbi Gaani iyo intii ku xeernayd  oo iyaguna ka sii tashanayey sidii ay ka yeeli
lahaayeen iyo siday warbixintan ugu gudbin lahaayeen madaxweynihii habaarqabe.
Waxaa la soo galiyey Lixle oo la wado lana horkeenay Gaani.Hase yeeshee waxa lays
waydaarsadey  hadaladan :
Gaani : Waar  mee Lixle ?
Guulwadaashii:  Taliye waanagan wadna?
Gaani : (oo xanaaqsan) waar si fiican ii dhageysta oo mee Lixle ?
Guulwadayaashii: (waxay ku jeesteen maxbuuskii  guusha loo goglay), waar magacaa?
Maxbuuskii :  Lixle ..
Gaani : (oo gartay inaanu Lixluhuu doonayey aheyn) Sii daaya  gacan lagu hayuhu ha
iska socdee.
Waxaa halkaa ku fashilmay  qoomamo iyo ciilna la hoyday  dhamaan xubnihii u xilsaarnaa
hawshaa oo ninkii naaneystiisa Lixle la yidhaaba moodayey Lixlaha dawlada wareeriyey ee
hadh iyo hurdaba u diiday .Waxay tani  ina xasuusinaysaa markii la rabay in la xidho
Idaacada Horyaal ee la galay gurigii shaqaalaha idaacadaa,gacantana lagu dhigay agabkii
(labtop-kii iwm), hase yeeshee ay  gama’ li’i ku riday markay idaacadii soo gashay
xiligeedii caadiga aheyd  8:00pm…waxaa lays waydiiyey waar sawtaan agabkii ka soo
qaadnay siday  idaacadu hawada u soo gashay ?. malaha ilaa iminka way
raadinayaanee.Hase yeeshee  aqoon meel kaliya ku wada aroorta iyo itaalkeed iga dheh.
Ku dhawaaqidii ururkii SNM, talaabiddii hormoodkii bulshada, xadhiggii dhalinyaradii
UFO, dhagaxtuurkii ardayda, iwm waxay kordhiyeen shakigii iyo kala fogaanshihii
dawladii habaarqabto  iyo dadweynaha maamulkaa hoos imanayey. Waxaanay xoojiyeen
hawlgalkii madhalayska ahaa ee hay’adahii nabad gelyada ee Hangashta, Dabargoynta,
Nabad Sugidda, Guul wadayaasha, Koofiyad Casta iwm ay isku dayayeen inay
fuliyaan.Hay’adahaasi waxay si dadban iyo si toos ahaaneedba u hoos tagayeen taliyihii
5
qaybta 26 aad oo isna xidhiidh toos ahaaneed oo joogta ah la lahaa habaarqabe Ina Siyaad.
Dhawr shir dabadeed, waxaa hay’adihii nabad galyadu isla garteen in hormoodkii SNM
hawlo joogto ah ka wadaan dalka gudihiisa aanay isticmaalaan isgaadhsiin ahaan Antenna-
yaasha Raadyawga ee ku yaala gawaadhida Taksilayaasha (taxi) oo aad kor ugu qaadi jiray
maalmahaas, muuqaal gadisna   ay u adeegsan jireen hormoodkii SNM go’a shaalka ah.
Xubnihii hadalhayntoodu ku badnayd inay dalka joogeen waxaa magaciisu soo
noqnoqanayey Maxamed Xaashi “Lixle” oo cabsi weyn ku dhaliyey madaxdii hay’adahaas
oo ogaa kartidiisa, aqoontiisa milatari, hawl fulintiisa aan si hawlyar loogu curyaamin
karayn, iwm. Sidaa darteed waxaa go’aan midaysan laysla qaatey in la dabargooyo
jiritaanka go’a shaalka iyo antenna-yaasha. Waxaa xabsiyada dalka loo taxaabay  qofkii go’
shaal ah wata iyo dirawalkii antenna-ha kor u taaga.
Aragnay  dhacdooyinkaa iyo in kaloo badane, waydiinta inooga baahan warcelintu waa
halyeyga intaas oo guul ah loo garawsadey, gadhwadeena u noqday  dhaqdhaqaaqii  SNM,
fadhina u diiday  dhamaan hay’adihii sooyaalkiisu siduu ahaa? siduuse u hawlgalay? Siduu
ugana badbaadey inta qoorgooyo iyo shirqool ee lala beegsadey si loo qabto?
Wareysiyo badan oo hawlwadeennada
mareegta Farshaxan sameeyeen, waxaa ka soo
baxey in Mujaahid Lixle intuu  dalka
gudihiisa joogay ka wadey hawlgalqabadyo
intay doonto ka badnayd intuu  dhinaca
Itoobiya joogay. Siday haddaba ku
suurtogasha? Yaase ku  kaalmeeyey?
…Qoraalkani  wuxuu xambaarsan  yahay
taariikhdii halganka oo lagu sargooyey
dadaalkii  Mujaahid  Maxamed Xaashi Diiriye
“Lixle”….
Bahda Mareegta Farshaxan
Oktoobar17,2009
6
Sooyaalkii Mujaahid Lixle:
Bahda Mareegta Farshaxan
Oktoobar17, 2009
Hadaanan Hadaanan
Hadaanan Gadoodka
Lixloow gu’ga maanta
La soo hadhin guusha
Mujaahid Cali Banfas
“Markaa, waxaan la yaabay ninka kolkuu dhashay, halkuu ku dhashay, halkuu ku tacliin
qaatey iyo halkuu ku dhamaystay intiiba la ogyahay.Halkuu u dhintay ee uu u xabaal-
galayna ay halkan tahay [Somaliland], een haddana cidiba xasuusan wayday, ayaa aniga
oo da’daas ah aan la fajacsanahay.!! ” Hooyo Canbaro2
Dhidib weeyi taariikhdu iyo               waayo soo dhaca e
Dhalaankiyo caruurtay u tahay           dhaxal u meel yaale
Dhafoor qiiqlayaal iyo cabdow           dhuuncas iyo gaade
Iyo baado dhalandhoola oo                 dhagar u soo xaytay
Dhidar iyo waraabiyo abees                diir wax dhilanaysa
Iyo qaar dhac loo soo diroo shayna dhaafaynin
Waatii dhufaysyaday qoteeen              loogu soo dhacye
Markuu soodhku dhaashaday              markuu dhiigu shalaxbeelay
Markuu qumuca dhiilada sidaa            laba dhaclaynaayay
Sida dhool gu’ oo da’ay                markuu dhibicu heehaabay
Dhab markii dagaal loo galiyo             dhiidhi dirirreedka
Dhudi yaa lahaayeey markii                 lagu dhawaaqaayey
Dharaartaa ninkii maali jiray                dhici xaqiisiiye
Mujaahid Cabdiraxmaan Cawl –Baqdaadi-
Gu’gii 1945kii waxaa  hadal badani ka taagnaa sida gumaysigii ingiriisku ka yeeli lahaa
degaanka “Reserve Area” .Waxaa kaloo gumaysigii Ingiriisku ku hawlanaa  jeexidii
soohdintii  u dhaxeysa Somaliland iyo Itoobiya. Jeexida soohdintaa oo dadka qaarkii
xilligaa u macnaystay in  dhulka daaqsinka ah iyo dhulka degaanka loo kala seeraynayo.
Halka dadka qaarkii u  arkayeen in waddo toobiye ah loo samaynayo.Laakiin gabayaagii
dareenkiisu ka  fiirada dheeraa intaas ee la odhan jiray  Maxamed Cabdi Aw Xaashi oo
isagu ka biyo  diiday jeexidaaa   kuna cabiray dareenkiisa gabayga ku caan baxey
"Qoonsada halkaas waxa ku jira",  wuxuuna yidhi:
2 Wareysi ay waregeyska Ogaal la yeelatay  Muj.Lixle hooyadii Canbaro
7
Qoto iyo Taleexbaa la simay, qaydkan seeraha e
Sidii qaalmo booliya dhulkii waa la qaybsadaye
Isba qiil banaysuu u yimi qoortan dooga lehe
Wuxuu kuu qabtaba daaye wuu idin qalaayaa e
Sin qooreedkan lay dhigay waddadan lay qoqobadeeyay
Haddii aw qushuucdeen berruu qaadan waa imane
Qoonsada halkaa waxa ku jira qabar laxaad weyne
Qunsulkaa la dhigay ceelka Herer qiil kalaa xigiye
Waxba yaanu ii kala qarradhin qoolashaan dego,e
Markuu geed qalloocsamaba waan sii qandhanayaaye
Qayrkay hadday toban yihiin qodob ma riixeene
Qanjo uma lahaadeen halkane qaar ayaa wada,e
Qoqobaha dhexdiinaba marbaysugu qudh beeshaane
Qoonsada halkaa waxa ku jira qabar laxaad weyne
Xilligaa  1945kii ayuu wiil ugu dhashay  tuulada Go’da weyn oo ka tirsan
Gobolka Saaxil aabbo Xaashi Diiriye iyo hooyo Ardo Diiriye Madar .Waxaanay  ugu
wanqaleen wiilkaa ay dhaleen Maxamed. Maxamed Xaashi wuxuu ugu yaraa shan
carruura oo ay dhaleen labadaa waalid, aadna wuu u firfircoonaa. Waxaa Maxamed
yaraantiisii xilli ku beegan  ilaa markuu ahaa shan jir u suurtogashay  in laga kaxeeyo
Go’da weyn oo aabihii magaalada Burco kaga daro malcaamad Qur’aanka.
Xilligan uu ku jiray malcaamada ayaa waxaa raacey  magaca uu
ku caano maalay ee “Lixle”. Hooyo Ardo oo  uga warantay
wargeyska Ogaal ee ka soo baxa Somaliland-na waxay tidhi :
“Waxa magaca Lixle u bixiyay macalin dugsigiisii hoose wax ugu
dhigi jiray, macalinkaas ayaa sababta uu magacaas ugu bixiyay
ay ahayd maalin maalmaha ka mid ah oo ay is dileen lix wiil oo
ka mid ahaa ardaydii ay wax wada baranayeen, isla markaana
lixdiiba iska celiyay, kolkaas ayuu macallinkaasi kala dhex-galay, waxaanu ogaaday waxa
ay isku hayeen, ka dibna  macalinkii yidhi ‘waar kani waa Lixle... mar haduu lix wiil iska
celiyey, halkaas ayuu magaca Lixle kula baxay”.
8
Mujaahid  Lixle  wuxuu nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo ardeydii wax ka baraneysay
dugsiga Sheekh   sannadkii 1952 kii . Wuxuu Maxamed Xaashi  ku dhameystay halkaa 
dugsiga hoose, dhexe iyo kii sareba.
1952 ilaa 1956    Dugsiga Hoose
1956 ilaa 1960    Dugsiga Dhexe
1960 ilaa  1963   Dugsiga Sare
Wuxuu  Mujaahid  Lixle ahaa ardeydii qalin jabisay 1963 kii lana wadaagey qalinjabintaa
mudanaaysha uu ka mid yahay mujaahid Ciise Curaagte.
Milicsiga  degmada Go’da weyn:
Go’da Weyn waa magaalo mudan taariikh u gaar ah.
Waa degaan si fudud  looga tagi karo magaalooyinka
ugu waaweyn   wadanka Somaliland. Go’da weyn
markaad joogto  waxaa dhinaca koonfurta bari kaa
qabanaya  Burco.Halka dhinaca woqooyi ay ka xigto
buurta Gacan Libaax.  Haddii aad korto buurtaa
Gacan Libaax waxaa kuu muuqanaya xeebtii iyo
laamidii Berbera, dhinaca galbeedna waxa kaa
qabanaya  Hargeysa, iyadoo dhinaca laamiga Berbera
ay kaaga muuqato Sheekh.
Waa isla doonasho Illaah iyo  aqoon uu Mujaahid Lixle u lahaa degaankee meel aan sidaa
uga fogayn ayuu ka furay  xaruntii abaabulka ee  dhismihii ururka SNM  kuna hoosaasiyey
dawladii habaarqabto  markuu beer ka iibsadey magaalada Dhubato.
Magaalada Hargeysa   markaad uga baxdo dhinaca bari (Berbera iyo Burco), waxaad
galaysaa tuulooyinka Haleeya, Aw barkhadle, hase yeeshee markaad gaadho  Dhubato
(waa halkuu mujaahid Lixle beerta halganka ka iibsadey), wadada laamiga ah  dhinaca
Berberay kugu shubaysaa, haddiise aad raacdo wadada rafka ah een dhisnayn una jeedsato
koonfur (midig) uuna mari jiray  baskii   Bas Gawrac   waxay afka kuu saareysaa tuulada
Gadh Yuhuud, ka dibna Weeraarta, dabadeetana markaad woqooyi in yar uga leexato  Biyo
Fadhiisinka, taaso wajiga kuu qabadsiinaysa  Deri Maraa  oo si fudud kuugu guryo
gaynaysa Go’da Weyn. Degaankani waa  ku haboon yahay  hab dagaaleed dadban waana
meel istaraateji ciidameed oo wanaagsan ah.
Waxaa  degmadan Go’da Weyn  dadka  ku caano maalay  lagu ladhi jiray magacdooda
sida ninka la yidhaa  Guray Go’ood.
Markaad joogto Weeraarta  waxaa looga leexdaa Cadaadley uuna ku ooli jiray dugsigii
sare ee hormoodka wadanka Somaliland  soo saarey, hase yeeshee  aad u dayacan iminka.
Dadka halkaa ka baxey waxaa ka mid ah  weriye ummada ee Axmed Xasan “Cawke”.
Go’da weyni waxay udub dhexaad u tahay  saddex magaalo Berbera, Burco, iyo Hargeysa.
Waxaanay ka tirsan tahay gobolka Saaxil iminka. Degmadani waxay bar kulan u tahay
Gobolada Togdheer, Saaxil, Oodweyne, iyo Maroodi jeex. Degmada Go’da weyn waxay ka
9
Bahda Mareegta Farshaxan
Oktoobar 17, 2009
mid noqotay degmooyinkii cusbaa ee Madaxweyne Daahir Riyaale magacaabay bishii
Maarso 2008dii.
Bal aan  in yar soo ergisano oon waayo kale dib u jaleecno waa ciidankii dagaalyahanka
SNM oo meesha la yidhaahdo Go’da Weyn ugu galay 15 isjiidoo  ka mid ahaa ciidankii
taliskii Ina Barre  halkaana hurda, waxaana dagaalyahanka SNM halkaa kaga biyo beelay
baabuurkii ay wateen, iyaga oo ku sugan meel magaalada dacalkeeda ah, balse mujaahid
C/Xakiim Maxamed Aaden (Sumuli) iyo mujaahid kale ayaa ku noqday magaalada Go’da
Weyn  si ay biyo uga soo dhaansadaan.Sheekadoo dhameystirana halkeeda ayeynu ugu tagi
ee waa xidhiidhka halgankii iyo degmada Go’da weyn oo maalintaa  biyo ugu gargaartay,
marin halgameedna noqotay.
Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka, Cali Maxamed Warran-Cadde oo isaguna
xaflad loogu Wan-qalayey degmada Go’da Weyn oo lagu qabtay Buurta Gacan-Libaax  ka
hadlay ayaa balan qaaday in uu garoon diyaaradeed ka dhisi doono degmada Go’da weyn,
isla markaana uu ku caawin doono labada libaax iyo laba faras.
Maanka ku hay:
Hargeysa/Sallaxleynews-Dhisme dugsi sare oo ku yaala degmada Gacan libaax ee Magaalada
Hargeysa ayaa Muddo Sannado ah u dayacan Khasaare uu soo gaadhsiiyay Roobab laxaad leh oo ka da'ay
Hargeysa Sanadkii 2008, kaasi oo aan ilaa iyo hadda waxba laga qaban. Dugsigan oo ku yaala halkii hore ay
u ahaan jirtay Kawaanka Hargeysa (Xero-dhiigta), isla markaana loogu magac daray Wasiirka Duulista
Hawada Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde sugaya dayactirkii wasiirkaa ayaan ilaa wakhtigan ka
suurto gelin in ardayda ka soo baxda fasalada sideedaad ay si caadi ah ugu bilaabaan waxbarashada.
Bahda Mareegta Farshaxan
Oktoobar17,2009
10
Xoogsi Tagistii:
Bahda Mareegta Farshaxan
Oktoobar17,2009
Markii ay taariikhdu ahayd 1964 waxa uu ka mid noqday lixdii inan ee ugu sareeyay
dugsiga Sheekh, waxaana loo qaaday wadanka Ruushka oo uu ka soo bartay
Injineernimada siiba taangiyada.
Xilligaa ardeyda ama shaqaalaha la qaadaa waxay tagi jireen  meelahan  ka mid ahaa
wadanka Ruushka :
Ciidamada Cirku :  Magaalada  Tashkant
Ciidamada Dhulkuna :  Magaalada  Oddessa ,  Gobolka Ukrain
Ciidamada Baddu  :  Magaalada Baku ,gobolka Azerbijaan
Siyaasiiyiinta iyo kacaameynta : Magaalooyinka Lavov  iyo  Mosko
Dhinaca Dhakaatiirtana:  Leningaraad
Markii uu soo dhamaystay waxbarashadaas, waxa uu ku soo noqaday dalka, waxaana
markaa madax looga dhigay Xeradii Taangiyada ee Xamar, markii dambena Hargaysa
ayuu ku soo noqday, wuxuuna mar kale madax ka noqday warshadii Kabista ee Hargeysa.
Markii laga soo noqday dagaalkii 1977 kii, Waxaa laga badaley wasaarada difaaca, loona
magacaabay sarkaal sare inuu ka noqdo wakaalada hargaha iyo saamaha oon wax xidhiidh
ah la laheyn aqoontiisii  milatarinimo, halka  dadka qaarkii tilmaamayaan in xafiiska
madaxtooyada ee ina Barre laga hawlgalinayey.Waxaa  qaabka sidan ah loo yaqaanay buul
dhigis  oo ka falcelinaysay in  niyada laga dilo laguna kaalmeeyo siduu  shaqo ka tagis hor
leh ugu hawlgali lahaa.
Mudaba may qaadan garaadkiisa oo sareeyey awgeed inuu  jabkan ay dawladii habaarqabto
la maaganeyd si togan uga faa’iideeyo dadweynaha degan dhulka iminka la yidhaa
Somaliland.Horaantii 1980 kii wuxuu codsadey shaqo ka tagis   aad looga soo dhaweeyey
maamulkii dawladii habaarqabto.
Abaabulkii Halgankii SNM:
Bulshada Somaliland waxay xornimadeeda qaadatey  26kii Juun, 1960. Socdaal caadifadi
hageyso iyo qiiro shantii Somaliweyn raadis  ah darteed laguma nagaan  in  la quuto
midhihii halgankii dheeraaa, waxaase hormood u noqday  isdhiibidii SNL. Cismaan Jeele3
oo ka hadlaya arintaasina wuxuu yidhi: “Horta qolooyinka (Somaliland) wax shurrud ah
ooy la yimaadeen majirto waa isa soo dhiibeen  uun”. Maamuladi kala danbeeyey uma
roonayn Somaliland  halka  saraakiishii dhalinyarada aheyd ee reer Somaliland isku dayeen
inqilaab dhicisoobay. Hase yeeshe  dawladii habaarqabto ee ina Bare hogaanka u hayey
ayaa  isku fuuqsatey oo si  toos ah  u cadeysatey cadaawadaa. Dareenka dadku waxay ku
muujiyeen  Silsiladii Siinley.
3 Mar uu u waramayey Aadan Nuux Dhuule oo waydiiyey siday   maamulkii 1960 ugu koobeen koonfur uun
11
Xili ku beegnayd horaantii 1975kii  ayaa dawladii habaarqabto  shaqo ka erin iyo xadhig
ku bilawday  aqoonyahanadii iyo shaqaalihii  ka soo jeeday dhinaca Somaliland. Mujaahid
Maxamed Cabdilaahi  Cabsiiye4 oo ka hadlaya arintaasina wuxuu  yidhi : “waxa isla
ayaamahaa-1975kii- mar kaliya shaqada laga wada eryay shan iyo todobaatan nin oo u
dhashay Somaliland oo isugu jiray Agaasimayaashii Wasaarada Tacliinta iyo
Agaasimayaashii wasaaradaha kale, sababta shaqada lagaga eryayna waxay ahayd waa
niman waqooyi ka soo jeeda, waxa kale oo uu si weyn uu u diidanaa taliskii kali taliyaha
ahaa ee Maxamed Siyaad Barre aqoonta balaadhan ee ay nimankan gobolada Somaliland
ka soo jeedaa ee uu shaqada ka eryay ay lahaayeen”. Dadka xiligaa  laga xayuubiyey xilkay
dawlada u hayeen waxaa ka mid ahaa:
- Dube Cali Yare oo maxkamadaha ka soo shaqayn jiray.
- Buurxakabe oo maxkamada sare ee Soomaaliya haysan jiray.
Waxaa murugo iyo qoomamiyo            maanqashiyo ciil leh.
Maskax iyo garaad iyo wixii                  muruqba kaa liita.
Markuu adiga sharaftaad mudnayd        kaa maroorsado e
Naftu inay maqnaato iyo   inay mahad ku noolaato.
Labadaa mid weeye                            Maaweelis weeyaan
haddii mid u dhexeeyaaye
Abwaankii Dhoodaan
Xiligan  waxaa dhinaca saraakiisha oo uu xidhiidhinayey Mujaahid Maxamed Xaashi
“Lixle”  ay wadeen   shirar qarsoodi ah ooy ku lafogurayaan xaalada dalka iyo sidii wax
looga qaban lahaa. Halka dhinaca dibada gaar ahaan  Carabahana uu ka socday xidhiidh
sidan oo kale ahi .Waxaa la gartay in dhibaato jirto una baahan tahay wax ka qabad
midaysan iyo hurid la huro inta mudan ayna si fiican dareenkaa u muujisay silsiladii
Siinley.
Mujaahid Maxamed Kaahin oo arintan ka hadlayaana wuxuu yidhi: “Arintaasi waxay
qaban qaabadeedu socotay ilaa dhawr iyo todobaatankii, waxaanay ka bilaabantay dibada
ka bacdi markii dad farabadan oo madaxdii sare ee dawlada ahaana ambaasador-o,
agaasimayaal guud, iwm. Shaqada laga wada eryay qaarna la xidhxidhay, isna
dhaqdhaqaaqan ciidamu muu aheyn mid isaguun ku koobanee  wuxuu mar walba barbar
socday dhaqdhaqaaqaa siyaasiga ahaa ee dibadana ka socday”.
Isagoo Mujaahid maxamed Kaahin ka waramaya sida  abaabulka iyo xidhiidhku uga jiray
gudaha wuxuu yidhi : “Gudaha markaa qaabka uu uga socday wuxuu ahaa: Ciidamada
saraakiisha ku jirtaa dhinac bay ka wadeen ,isla markaana waxay xidhiidh toos ah wada
lahaayeen siyaasiyiin ku jirtay markaa xukuumada dhisnayd oo iyaguna hawshaa
dhinacooga ka jiray.Bacdamaa aanu aheyn  saraakiil ciidamada ka tirsan waxaanu u
xidhiidhi jirnay qaab qarsoodi ah oo xihdiidhiyayaalna aanu leenahay ,waxaanu ka
digtoonaan jirnay inaanu samaysano structure rasmi ah ama qaab dhismeed .. Arintaa raga
xidhiidhin jiray waxaa ka mid ahaa  engineer Maxamed Xaashi Lixle oo sarkaal  kornayl
buuxa ahaa, xarunta gaashaandhigana joogay, ahaana hogaanka ciidamada warshadaha  iyo
Axmed Maxamed  Halac oo isna sarkaal sare oo kornayl ciidamada bilayska ahaa”.
4 Wareysi uu ka qaadey Mujaahid  Cabdilaahi Cakuse
12
Isagoo sii wata  hadalkiisa wuxuu yidhi mujaahid Maxamed Kaahin: “Waxaa loo xidhiidhi
jiray Xamar saraakiisha joogta, Gobolada dhexe saraakiisha joogta, Gobolka woqooyi
saraakiisha joogta  oo Hargeysa xarun u tahay, Gobolada kale  sida Baydhabo saraakiisha
joogta”.
Waxaa mar kasta dhacda in aan runta laga sheegin xilligii  hormoodku damqadeen una
qorshaysteen halgan nidaamsan oo hufan.
Mujaahid Ibraahim Maygaag oo arintaa ka hadlayey wuxuu lahaa:“Marka laga hadlayo
bilowgii halganka lama odhan karo waa wax sida makhaayad ama dukaan la furayo waqti
go’an oo gaar ah bilaabmay. Ha jirto in rasmi ahaan ururkii SNM bishii April 1981 kii
‘London’ lagaga dhawaaqay. Laakiin colkayagii ilaa bilowgii la socday wuxu u ahaa
maraaxil dheer oo isdaba jooga oo marxalad waliba wejigeeda, waajibaadkeeda iyo
duruufaheeda gaarka ah leedahay”.
Ku dhawaaqidda rasmiga ah waxa ka horreeyey maraaxil dheer oo isugu jiray baraarug,
dareen, garasho nooca nidaamkii jiray iyo wixii laga qaban lahaa. Intii dareenku galay si ay
u doodaan, wax isu tusaan, isu aaminaan waxay qaadatay waqti dheer oo dhib badan.
Isagoo mar kale ka jawaabayey waydiin ku saabsaneyd  in abaabulkii iyo dhaqdhaqaaqii
SNM uu ka horeeyey dagaalkii 77kii wuxuu sheegay in arintaa unkankeedu ay ka horaysay
dagaalkii  77kii uuna ku qiyaasi karayey ilaa 75ka dabayaaqadiisii ilaa 76ka horaantiisii
isagoo ku bilawday saraakiil kooban oo Xamar joogtay ”.
Waxaa  si siman u saamaysay  hagardaamada  si gaar ah  loola doonay degaanka
Somaliland iminka ah  iyo dadkii ku dhaqnaa.Waxaanay aqoonyahanadii, siyaasiyiintii,
ganacsatadii, iwm. si dadban iyo si toos ahba u dareemeen   talaabooyinkan cadaalad
darada ah ee  ay ku talaabsatay dawladii habaarqabto.Waxaanay goosteen dadku inay is
abaabulaan.
Horaantii  bishii Febraayo, 1978kii Waxaa la badalay gudoomiyihii gobolka woqooyi
galbeed oo ahaa Bile Rafle Guuleed , laguna badalay   Cumar Salaad Cilmi ka dib  markii
Dagaalkii 77kii uu ku keenay ciidamadii  niyad jab  weyn ,ayna jabhadihii la abaabulay ee
Bile Rafle taageerada ka haystay  dhib xad dhaaf ah u gaysteen dadkii degaanka galbeedka
Hargeysa.Cumar Salaad oo ka hadlaya sababtii  loo soo badlayna wuxuu yidhi: “kulankii
aan dadweynaha la kulmay waxay ii sheegeen in ciidamadii Somali Galbeed  iyo
qaxootiyadii  la hubeeyey ay dhib badan u gaysteen  degaanadaa  dadkii deganaa, tani
waxay nagu khasabtay in  dadkii degaankana  loo ogolaado in la hubeeyo”.
Ka dib ogolaanshahaa ayaa  fududeeyey in dadkii degaanku  samaystaan  awood ciidan oo
ka difaacda  qaxootigan la hubeeyey  laguna magacaabi jiray Jabhadihii Soomaali Galbeed.
Bishii Oogosto 24dii,1978kii ayaa  laba nin oo ka mid ah odayaasha Geed-baalaadh oo
magacayadooda la kala yidhaa Maxamed Aadan Cigaal (wadaad-yare) iyo Cali Cabdi
Xasan (Cali kayd) noqdeen ragii u guntaday samaynta jabhad degaankaasi leeyahay,
waxaanay  ku soo xereeyeen 25kii nin ee ugu horeeyay ee lagu bilaabay jabhadii Afraad
xero looga sameeyay Harta Cabdilahi faruur oo 4-5 kilo mitir bari ka xigta magaalad Geed-
13
Balaadh,kuna taala xadka u dhaxeeya Itoobiya iyo Somaliland, si ay u yeeshaan sumad
gaar ah.Waxaana  loo bixiyay markaa “jabhada ciidanka diinta Islaamka”.
Qabanqaabo iyo waxa la galay hub iyo saanad urursi, waxa hubka laga soo ururiyay qoryo
wixii la hayay dadka si loogu tabobaro, xaga saanada iyo cuntada oo muhiim aad u ahayd
waxa dadka degaanka loo qaybiyay 17 waaxood ama beelood.
Waxaa lagu qori ritay ama qaybsaday saanad ku filnaata 1000 qof in la soo ururiyo,
Degaanka loo qaybiyay in laga soo qaadhaamo raashinka iyo agabka kaleba waxa uu
fidsanaa laga bilaabo Geedbalaadh,Gobyarta, Saxatilay, Qabri-hante iyo inta u dhaxaysa,
waxa markiiba la yidhi, qayb kasta oo ka mid ah 17-ka beelood ha keenaan, 17 jawaan oo
arabikhi ah iyo laba jawaan oo milix ah, oo kayd iyo ku bilowba u noqda jabhada, sida uu
sheegay Maxamed Aadan Cigaal “wadaad yare” waxa gacan xoog leh ka gaystay, suurta
galinta hawshaa nin ganacsade ahaa oo la odhan jiray  Maxamed Khayre Guuleed (IHUN)
oo geeriyooday bishii Juun 2000. Intaasi waxa dheeraa muquunada gaar gaarka loo
bixinayo oonu dadku waxba xaga danbe ku reebanayn, xanuunka lagu hayo dadka ee kaga
imanaya jabhada(jxsg) iyo askarta laajiga degaanka ku ah, ayaa sii dhiirigalinayay inay
dadka degaanku jabhadooda hagar la’aan ugu quudhaan wax kasta oo looga baahdo,
bulshada noocyadeeda kala duwani uma kala hadhin gacan ka gaysiga hawshaa.
Sidoo kale xiligan waxaa qaybta   laga badalay  qaybtii  26aad Sarkaal sare Salxaan, laguna
badlay  Siciid Faarax ooy  ina Bare isku dhawaayeen ,inastoo aanu muddo badan xilkaa sii
haynin  qaabka loo xushay iyo xilku intuu leekaa  oo  isqaban waayey darteed.
Sida uu sheegay Mujaahid Maxamed C/laahi Cabsiiye ayaa gu’gu markuu ahaa 1979kii ay
rag tiradoodu gaadhayso (40 ilaa 50) oo isugu jiray siyaasiga, mutacalinka, baayac-
mushtarka iyo noocyada kaleba lahaa  isugu yimaadeen magaalada Jeddah. Waxaanay ku
shireen guri uu lahaa Cismaan Aadan (Cismaan Indhoole). Gurigaas ay  ku shireen waxaa
kaloo fadhigaa ka soo qayb galay ergo ka socotay  Xamar .Dooda shirka ee habeenkaasina
waxay ahayd sidii loogu dhawaaqi lahaa  jabhad iyo halkii la tagi lahaa.
Sidoo kale dabayaaqadii  bishii Diisambar ee 1979kii   waxaa magaalada Hargeysa safar
hawleed ku yimid dhagarqabe  Ina Cali Samater oo u weheliyo Mujaahid Lixle.Ka sokow
hawlahaa dawlada, waxaa u qarsoonayd Mujaahid Lixle abaabulkii iyo xidhiidhintii uu
wadey.Wuxuu si qarsoodi ah ula kulmay  saraakiishi reer woqooyiga. Kuwa uu la
kulmayna waxaa kamid ahaa Mujaahid Cabdisalaan Turki oo  isagu uu marka horeba ku
soo qoray  warshada kabista ee Hargeysa  markay ku kulmeen koobihii dagaalka ee 77kii.
Mujaahid Cabdisalaan Turki oo kulankaa ka hadlayan wuxuu yidhi: “ Wuxuu iiga
sheekeeyey halganku halkuu marayo,ina wareystay sidaan  diyaar ugu ahey ,isagoo iiga
waramaya hawlaha ilaa haatan la qabtay.Hase yeeshee wuxuu  ii sheegay inuu noqodkiisa
soo diri doono  warqad aan ugu anbabaxayo  safar hawleed si aanu u  yeelano kulan kale,
iina sheegay inaan la xidhiidho sarkaal sare mujaahid Ismaaciil Cali Shaxaari”.
Sidoo kale xiligan waxaa dib loo soo badalay sarkaal sare Salxaan lagana dhigay inuu
noqdo taliyaha ciidamada qaybtii  26aad. Waxaa  xiligan  Salxaan u suurtogashay inay si
fiican isku fahmaan  waayeelkii iyo saraakiishii uu soo xushay.Sidaa darteed ayaa Ina Bare
oo  shir kula yeeshay  guriga shaqaalaha ee magaalada Hargeysa  odayaasha  ka soo jeeda
gobolada woqooyi ay ka codsadeen inuu u dalacsiiyo  Salxaan . Shirkaa ka dib  Salxaan
waxaa loo dalacsiiyey  General, inkastoo  ii Ina Bare  si aan qorshaynayn ku sii maray
14
Bahda Mareegta Farshaxan
Oktoobar17,2009
Dhuusomareen  dalacsiiyeyna  Cumar Xaaji Masale ooy ood wadaag yihiin si  aanu
General Salxaan uga  sareyn.
Gu’gii 1980kii ayaa  tilmaan xoogan ku lahaa SNM, aheydna  in ay suurtogashey in la
dhaariyo  madax sare oo ay ka mid ahaayeen Ismaaciil Cali Abokor iyo Cumar Carte
Qaalib  oo xubno muhiim ka ahaa hawlgadii gudaha ee abaabulkii jabhaddii SNM. Waxaa
kaloo Mujaahid Lixle dhaariyey xiligan oo  Xamar ugu yimid sidii u qorshaysnayd
Mujaahid Cabdisalaan Turki ayna si fiican iskula qaateen  u hawlgalida halganka, wada
galeena  goobo badan oo dagaal sida jabintii Jeelka Madheera.
Muaajid Lixle  waxaa  isla xiligan taliskii habaarqabto go’aansatey in xilka  milatarinmo
laga qaado, ka dib markay  wax iskuma falayaashii  u warameen, iyadooy kaalmaysay
aqoonta ay xubnihii xukuumadu u lahaayeen  dhiiranaanta, fiirada dheer, iyo dulmi
nacaybka uu ku baadisoocnaa Mujaahid maxamed Xaashi Diiriye “Lixle”.
Horaantii  1980kii Mujaahid Lixle Wuxuu go’aansadey in  u socdaalo  gobolada woqooyi
oo iminka la yidhaa Somaliland. Socdaalkaasi wuxuu Xamar ilaa Hargeysa  ay ku qaadatay
24 habeen iyo maalmood. Wuxuu doortay inuu gaadhi qaato siina maro dhamaan
xerooyinka milatari inta uu ka gaadhi karo ee ku yaala goobahaasi aheydna socdaal salka
ku hayey xog ururin  iyo aqoon baadhis uu sameeyey korna u qaadey halgankii  SNM.
Markii uu soo gaadhey magaalada Hargeysa  waxaa u suurtogashey  in  uu qabanqaabiyo
kulan balaadhan  oo uu ku soo bandhigo xogtaa uu soo helay  waxaana goobjoog ka ahaa
Korneyl Mahdi Cali (IHUN), korneyl Maxamed Cilmi Galaal, Korneyl Aadan Shiine
(IHUN), Cabdiraxmaan Baqdaadi, Axmed Galaas Jaamac,iwm. Waxaanu ku soo bandhigay
in  boqolkiiba afartan (40%)in ku dhaw ay saraakiisha ciidamada  xarumahaa uu soo maray
ay yihiin  reer woqooyi, halka ciidanka qoriga sida  uu aad uga  booday  soona jeediyey in
la helo ciidan  taageera saraakiishaa.
Waxaana go’aan lagu gaadhey in  la abaabulo siday suurtogal ku noqon laheyd  helintaanka
ciidan. Waxaana madaxdii  maamulka iyo ciidamada ee gobolada woqooyi laga
dhaadhiciyey in loo baahan yahay  in la sameeyo raaf ciidameed (shicibka ciidan laga
dhigo) si loo xoojiyo  ciidamada xoogga dalka. Kulammo badan dabadeed, waxaa la
ogolaaday  hawlgalka arintaa lana fuliyey iyadoo  raaf ciidameed la sameeyey xiligaa hase
yeeshee waxaa  dibudhac ku keenay  tirada ciidamadaa la helay waalidiintii oon fahmin
ujeedada  lacagna la hoos rooray   maamulkii xiligaa jiray  oo u soo daayey caruurtoodii  la
raafay inta badan. Inkastoo horumar wanaagsan lagu talaabsadey ooy  sidii hore dhaanto
heleena saraakiishaasi ciidan kaalmeeya  tayo ahaan iyo tiro ahaanba.
Markay hawshaasi hirgashay ayaa Mujaahid Lixle wuxuu  isagoo la kaashanaya
hormoodkii kale  oo si fiican ay u kaalmaysay  in Generaal Salxaan oo markii labaad ee la
soo badalay loo ogolaaday inuu  soo xusho saraakiisha la  hawlgalaysa. Waxaanu  Generaal
Salxaan soo badalay  saraakiisha ciidamada  ee ka soo jeeda gobolada woqooyi (iminka ah
Somailand) oo u badnaa gobolada koonfureed. Hawlaha uu u banbaxey Mujaahid Lixle
waxaa aad u fudueeyey  saraakiishii  ka hawlgalaysay  aaga oo kula jirtay arinka ayna isku
talo ahaayeen .
15
Qaabka maamul ee ciidankuna barigaa wuxuu tusaale ahaan ahaa sidan :
-Guudleh (hawiye )  --- Abaanduulaha Ciidamada
-Axmed Dhagax   -- Dagaal gelinta
-Maxamed Kaahin  --- Sahanka
-Maxamed Cilmi Galaal  -- Cirka
-Mahdi Cali   -- Xerada Toon
-Aadan Shiine -- Xerada Cadaadley
-Cabdilaahi Xaaji Siciid – Xerada Buuhoodle
Dhinaca  dhaqaalaha waxaa heegan u ahaa oo xidhiidh toos ah la lahaa saraakiishaa
ganacsadayaasha ay ka mid yihiin  Cabdilaahi Cabdi Good (Ihun), Ismaaciil Sh.Ibraahim
(Ihun), Axmed Aw Cali Saleebaan  , halka dhinaca Jabuutina  ay jireen koox  ganacsadaay
oo taageero dhaqaale  wadey uuna dhinaca xidhiihdka uga wakiil ahaa  Maxamed Axmed
Xirsi oo u shaqeyn jiray  FAO ahna taasoo  u suurtogalisay iskaga gooshi karo labada
dhinac.Waxaa xusid mudan   dhaqaalihii ugu horeeyey ee hirgaliyey inuu Mujaahid Lixle
iskaga goosho gobolada dhexdooda iyo abaabulinta ciidamada in uu ka yimid  kooxda
Jabuuti .
Xiligan wuxuu go’aansadey in hawlihii u wadey ee in halgan ummadeed la galo uu si fiican
ugu madaxbanaanaado. Si taasi ugu sii hirgasho qarsoodina u noqoto wuxuu iibsadey
beerta  ku taala Dhubato, agagaarka geedka Dheenta.
Beerta Dhubato (Haragwaafi waa halkii uun  Ilaahay ha u naxariistee uu ku dhintay isagoo
hawlgal ka fulinaya bilowgii 1988kii) waxay qayb weyn ka qaadatey  hawlgalo badan ayna
ugu hormood ahaayeen dagaaladii furashadii Madheera  iyo Gacan Libaax. Iyadoo  aheyd
goob lagu qariyo hubka  iyo rasaasta dhaqdhaqaaqa guduhu u baahan yahay.
Waqtiyadan waxaa la soo  bedelay Gaani oo loo soo magacaabay  taliyaha qaybta 26aad ,
sidoo kalena  ahaa madaweynihii goboladaa waqooyiga  ee Soomaliya. Kaas oo awood
balaadhan uu u siiyeey Afweyne Barre inuu Gaani ka sameeyo waqooyiga Somaliya
wuxuu doono.
Sidoo kale  waxaa xilligan ka samaysmay  Jiddah gudidii  ugu horaysay oo leh qaab
dhismeed  urur oo ka koobnaa Maxamed Xaashi Cilmi,C/salaan Yaasiin, Ismaaciil
Buubaa,Maxamed Cali Faarax, Xasan Aaden Wadaadiid ,Cismaan Axmed (indhoole),
Aadan Muxumed Hoori (Mataan), Cumar Maygaag Samatar, C/raxmaan Xasan Cali,
Abashir, Casayr C/qaadir,Daa’uud Khayre, Axmed Saki, Qaalib Muuse oo ahaa
maamulihii dugsigii sare ee Sheekh iyo Ina Jirde Aw-Cali. Waxaana  gudoomiye u noqday
Xasan Aaden Wadaadiid (Ihun), halka uu gudoomiye ku xigeena ka noqday Maxamed Cali
Faarax.
Horaantii bishii April 6dii 1981 ayaana si rasmi ah loogu dhawaaqay  dhaqdhaqaaqii
wadaniga Soomaaliyeed ee SNM.Waxaana gudoomihiyihii ugu horeeyey noqday mujaahid
Axmed Jimcaale ,halka uu magaca la qaatey ahaa kii uu keenay mujaahid Aadan
Maxamed Hoori (Mataan).Waxaana  ciidan  kobcin weyn u noqotay  xadhigii 
aqoonyahanadii UFO  ee dabayaaqadii isla gu’gaa  oo markii maxkamada la soo
saarayeyna  ay gadoodeen ardeydii xilli ku beegnayd bishii Febraayo 20dii,1982 kii
sameeyeena dhagaxtuurkii .
16
Waxaa nasiib daro weyn ah oo aan la filayn ahaa in  dhacdadani Somaliland oo xor ah oo
iskeed isku maamusha ay mar labaad soo noqotay bishii September 12 dii, 2009 kii oo labadii
ku dhintay  dhacdada hore labadoodii ay ku qudh baxeen tan danbena .Waa ayaandaro
inteeda leh iyo taariikh aan la jaleecayn .
Maxamuud Maxamed Liibaan oo xilligaa maamule ka ahaa dugsigii sare ee Faarax Oomaar
ayaa isagoo ka hadlaya isbadalkaa markaa dhacay iyo baraaruga dadweynaha waxa keenay
yidhi: “waxaa jiray dhibaatooyin soo jiitamayey (remote causes) iyo dhib dhawaa
(Immediate causes). Xukunkii milatariga ahaana  wuu fashilmay lana soo baxay
qalafsanaan,dhaqan xumo, diin la’aan, iyadoo dagaalkii  77kii ee lagu jabayna   si fiican u
mijo fayday  ooy ku dhacday ciidan jabaa wuu wayracaa ayaa  keentay inay
aqoonyahanadii  u dhashay  goboladu arkaan dantii guud oo burburtay, mushaharka la siiyo
macalinku  hal baakidh oo sigaar muu goynayn .Xiisada jalas la garaacaba shan  ardey baa
maqnaa.Xukuumadii jirtayna  cadaadiska kordhi mooyee  talo kale way wayday .Tani
waxay sababtay inay   dadku baraarugaan   kol haddii dhibtii saamaysay guri kasta si toos
ah ama si dadban ”.
Waxaa hogaanka qabtay sannadkii 1983kii madaxdii ciidamada iyadoo  ururka
guddoomiye looga dhigay  mujaahid Cabdulqaadir Koosaar(Ihun).Halka uu
ku xigeen ka noqday Aaden Shiine(Ihun),waxaana  xoghaye ka noqday Mohamed Kaahin
oo iminkana ah afhayeenka  xisbiga Kulmiye.Waxaana  loo magacaabey xoghayaha
garabka hubaysan ee SNM  inuu noqdo Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye”Lixle”.
Runtiina intii ciidamadu maamulka hayeen waxaa ay soo hooyeen guulo badan.Waxaana
taariikhda u gashay inay madaxdaasi ahaayeen kuwii ugu horeeyey ee caawimo ka keena
dal aan ahayn Itoobiya. Iyadoo  dawladdii hore ee Hantiwadaagga ahayd ee dalka Yementa
Waqooyina( Cadan) ay ku caawisay qorigii la odhan jiray Nuur Madoobe, sidoo kale
xiligan waxaa suurtogashay in la helay deeq waxbarasho ciidan ah.
Guulihii Mujaahid Lixle:
Wuxuu yidhi Rasuulku (SCW):
“If any of you have a date sapling on the doomsday he should plant it -if possible.”
(Bukhari )
“What we do for we die with us, but what we do for others remains and is immortal”.
gacma wada jirkeene waxaan gaar isaga yeelay
oday geeri ba'ay baa rasaas loola soo galaye
golihii Madheera iyo halkii gaadhka laga toogtay
gobanimadu sow maalintii Gacan-libaax maaha
goolbaa xasuus lehe midkaan galinay maaha
halka guurtidii lagala baxay taan ka gu'in maaha
waxa loo galaaftaa shacbiga sow kas gudhay maaha
Mujaahid Cali Banfas
17
-Aasaaskii SNM 1974-1981:
Abaabulkii iyo isku dubaridkii gundhigistii SNM ayuu
mujaahid Lixle ahaa hormoodka loo tiriyo, wuxuu ahaa nin aad loogu hanweynaa  u
heelanaanta wuxuu  aaminsanaa aadna loogu ixtiraami jiray.Wuxuu hadh iyo habeen u
gaalabixi jiray xeryaha ciidamada si uu  saraakiishii ka soo jeeday dhinaca woqooyi uga
dhigo xog ogaal joogto ah uguna kala gudbiyo warka .Isagoo sarkaal sare ka ahaa dawladii
habaarqabto ayuu  u badheedhay gudogalka hawlahan  sida qarsoodiga ah loo waday .Waa
geesnimo mudan ku dayasho  intaad habac noqon laheyd eed odhan laheyd beri baan
hormoodka dawladaa ku jiray waxaa ku hortaala maxaad dalka iyo dadka u qabatey
magacu ha ii danbeeyee.
-Kobocii askarta SNM iyo isbaridii saraakiisha :
Waxaa guulaha laxaadka leh ee si toos ah iyo si dadbanba loo siiyo mujaahid Lixle ka
mid ahaa isku xidhkii  hagar la’aaned ee askartii  iyo saraakiishii , sidoo kalena  ahaa dunta
isku xidha saraakiisha. Mujaahid Cadisalaan  ayaa tilmaamay in markii uu mujaahid Lixle
la socodsiiyey halwihii socday uu u sheegay inuu la xidhiidho sarkaal sare Ismaaciil Cali
Shaxaari .Waxay tani ka afcelinaysaa siduu  xillalka iyo hawsha iskudubaridkeeda ugu
feejignaa ,iyadoo waliba  taxadir badani jiray.
Xidhiidhka shaqo saraakiishii dawlada u daacada ahaa ee uu la lahaa aad buu u dhawri
jiray, taasaana hawlo badan ka kaalmaysay.Tusaale ahaan mujaahid Lixle markii  la soo
badalay Ina Xaashi “Gaani” wuu la fadhiistay, iyagoo aqoon fiican isku lahaa ka hor.
Kulankaasi wuxuu Gaani oo aad u yaqaanay Mujaahid Lixle iyo kartidiisa  ku dhamaadey
jawi   fiican ayna ku heshiiyeen in saaxiibtimadu ahaato halkeedii.
Sidoo kale Mujaahid Ibraahin Koodbuur (Ihun) oo waqtigaa ka mid
ahaa saraakiishii ay aadka isugu dhawaayeen Gaani, waxa uu Mujaahid  Lixle kula taliyey
Ibraahin Koodbuur in uu ku dedaalo sidii uu ugu dhawaan lahaa Gaani, isla markaana uu
uga mid noqon lahaa saaxiibadiisa gaarka ah, si ay ugu suurto-gasho in ay helaan xogihiisa
gaarka ah.
-Jeelka Mandheera
"Marka laga hadlayo Mandheera inta muhiimka ahi waxa weeye dabcigii uu lahaa
halgankii SNM ay soo gashay, oo aad arkayso in labada arrimood ee ugu muhiimsan
hawlgaladii ay fuliyeen xoogagii SNM inay ahaayeen hawlgalkii jebinta jeelka
Mandheera oo SNM ugu suntanaa (Hawlgalkii Badbaado) iyo hawlgalkii laglau
baxay Muj: C/laahi Askar oo isna loo yaqaanay hawlgalkii (Bad-Jeex). Labadaa
hawlgal waxay tilmaamayaan awoodii ay SNM lahayd oo ku dhisnayd laba tiir oo
kala ah taageeradii ay dadku siinayeen halgankii SNM iyo Ilaahay oo u hiilinayay
maadaama ay xaq ku socdeen" , ayuu yidhi Mujaahid Boobe
Waxaa baryahan  aad u socday  xadhigii waayeelka iyo waxgaradka  gobolada  woqooyi
xiligaa (Somaliland iminka), waxaa kaloo intaa hareero socday dilka, dhaca,
hagardaamada, iwm ee bulshada lagu hayey.
18
Waxaa la ururiyey boqolaal qof laguna  guray xabsiga  weyn ee Madheera. Mujaahid  Lixle
wuxuu ka dalbadey ciidan tababaran Mujaahid Maxamed Kaahinoo ku sugnaa
Gaashaamo.Waxaa loo soo diray ciidan uu hogaaminayey Cabdikariin Aadan Maxamed –
Sumuni-(Ihun).Ciidankaasoo isla markiiba  si fudud  ku jabsaday Jeelkii Madheera ,isla
markaana badbaadiyey  dhamaan dadkii ku xidhnaa.Waxaa  u  suurtogashayna  inay si
nabadgalyo ah xadka uga talaabaan.Markaa ayuu mujaahid  ku leexday Burco si uu
hawlihii u sii wado.Tani waxay muujisay awooda SNM, dadweynaha ooy baraarujisay una
bislaadey  taageerida SNM,  tamartii ciidanka xukuumadii habaarqabto oo fashilantay,
iwm.
Mujaahid Jaamac Maxamud Aden Doolaal oo  ka mid ahaa mujaahidiintii ka qaybgalay
weerarkii lagu jabsadey jeelkii weynaa ee Mandheera ayaa lahaa:
“Weerarkaas oo uu khidadiisa lahaa Mujaahid Marxuum Lixle Ilaahay Janadii Fardowsa ha
ka waraabiyee waxay maalintaas SNM ku guulaysatey in ay xoriyadoodii u soo celiso
muwaadiniin badan oo lagu haystay Xaqdaro”.
Waxaa ka mid ahaa dadkii maalintaa Ilaahay ku kaalmeeyey hogaaminta mujaahid Lixle
inuu ka furto godka lagu waabay  waayeelkan:
-Xaaji Yaaxeen
- Cawl Cilmi Cabdala oo ahaa Maayarkii hore ee Hargeysa.
-Adan Maxamed Diiriye (Aadan Ruush)
-Cumar Hadraawi
-Ina Maxamed Siraad
Taariikhdu markay ahayd badhtamihii sannadkii 1983kii ka dib, jabintii jeelka madheera
waxaa ururka SNM noqday mid xoogan oo ka dhisan dhinaca ciidamada. Qalabka
ciidamada iyo hubka Tiknikada ahba waxay ka furteen ciidamadii Afweyne.Waxaana
ururku sameeyey inuu weeraro badheedh ah ku sameeyo ciidamadii taliska Barre.
Sidoo kale wuxuu  ururku taageero hagar la'aaneed ka helay dadka shacabka ah ee degan
dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.
-Himilo dheer:
Wuxuu Mujaahid Maxamed Xaashi ahaa geesi aad u fiiro dheer, oo ka shidaal qaata
himilada dheer  iyo ta gaaban ee halganku ku sugnaa .Wuxuu had iyo jeer doorbidi jiray
kuna dhiirigalin jiray dadweynaha  inay hawl qabtaan ,hadalkuna yaraado .
-Qabashadii Cabdilaahi Askar:
Waxaa Mujaahid Lixle  la joogay magaalada Burco Mujaahid Cabdilaahi Askar, Mujaahid
Xayd, Mujaahid Cabdisalaan Turki , iyo kuwo kale. Waxaa  go’aan lagu gaadhay in dalka
gudihiisa laga hawlgalo  lana fuliyo  dilal  qoorto loogu dheereeyo hogaanka gobolada
woqooyi dhinac kasta , inkastoo  ay aheyd arin adag layslana meel dhigay in  aanay dadku
wali bislayn eey heesaha kacaanka u yara nugul yihiin .Haddana waa lagu dhaqaaqay oo
Mujaahid Cabdilaahi Askar, iyo Mujaahid Cabdisalaan Turki ayaa loo diray inay Hargeysa
tagaan ooy  halkaa hawlaha hormood ka noqdaan si ay hawlo  hagardaamo ku rida
xukunkii  dalka haystay uga fuliyaan magaaladaa . Nasiib daro waxaa gacanta
dhiigyocabkii galay mujaahid Cabdilaahi Askar.
19
Mujaahid Faarax Yuusuf Nuur, ( Farax Xadhige) oo laga ka waramayey  mujaahid Lixle
ayaa sheegay in uu mujaahidku(Lixle) ugu tagey  Burco.Wuxuuna Lixle  halkaa joogay
muddo ku dhaw 4 bilood ah,kana waday arimmo halganeed.Hase yeeshee saddexdii
cishaba waxaa la geyn jiray meel gaar ah oon cidi ogeyn. Mudadaas uu Burco joogay ayuu
mujahid Lixle qabtay shir uu ugu yeedhay  saraakiishii SNM ee joogay dalka gudihiisa iyo
dibadiisaba.Waxaana ka soo qayb galay qaar ka mid ah oo umay suuro galin dhamaantood.
Waxaa ka mid ahaa mujaahidiinti ka soo qayb gashey Cabdilaahi Askar, Xayd oo ahaa
bayloodkii Gaani ,Cabdisalaan Turki iyo mujaahidiintii arrinta gudaha ka wadey.Waxaa
arrinta la rog rogoba wuxuu soo jeediyey mujaahid Lixle in Hargeysa inqilaab lagu qabto.
Waxaanu mujaahid Lixle u diray sahan Cabdilaahi Askar, waana laysku raacay arintaas.
Mujaahid Abdilaahi Askar markii uu tagey magaaladii Hargeysa, lana kulmay madaxdii u
joogtay SNM Hargeysa, ayaa maalmo ka dib nasiib daro la qabtay ,xabsigana loo taxaabay.
Waxaa kaloo arintaa ka hadlay Cabdisalaan Turki oo lahaa :“ Horta wixii ka horeeyey 
hawlgaladii gudaha  waxaan aad noo kaalmaynayn dadweynaha oon  u bislayn  waayaha
jiray markaa, hase yeeshee way jireen in  talada lagu hayey  hormoodkii xukuumada u
joogay  goboladaa  qoorta loo dheereeyo.Qabashadii   Cabdilaahi Askarna  qayb weyn bay
ka qaadatey  yoolka noocaasi inuu isbadalo ”..
Iyadoo  isbadal ku yimid qorshihii lagu balansanaa ayaa waxaa la gudogalay sidii
Cabdilaahi Askar loo samatobixin lahaa, laguna guulaystay  iyadoo uu hogaaminayey
hawlgalkaa Mujaahid Ibrahim Koodbuur oo Ilaahay  ha naxariiste u dhintay xanuun  gu’gii
1987ka dhamaadkiisi.
-Dagaalkii Burco Duuray:
Wuxuu mujaahid Lixle aaminsanaa in hawlgalada Madheera oo kale ah la fuliyo si loo
wiiqo awooda xukuumada ,niyad jab weyna loogu rido .Waxa ka waramaya Mujaahid
Ibraahim C/laahi Xuseen (dhaga wayne) oo ka mid ahaa saraakiishii SNM yidhina sidan:
“16-kii October waxa aan joogay meesha la yidhaahdo Sheed Dheer oo uu deganaa ciidan,
Dabadeeto waxa ila soo hadlay Alle ha u naxariistee Aadan Shiine, oo ahaa Wasiirka
Gaashaan dhiga ee SNM, waxaanu ii sheegay in la iga bedelay halkaa oo aan u wareegayo
dhinaca barriga gaar ahaan aagga uu joogay Lixle ee Burco Duuray.Xilligaana fadhiyada
ciidamada SNM waxay u qorshaysnaayeen qaab deegaamaysan, isla markaana waxa
socday oo uu Alle ha u naxariistee Lixle gacanta ku hayay qorshe ballaadhan oo loogu
diyaar garoobayay guddagalka SNM.Waxaana laysku qanciyey in aanay jirin sabab aanu
Qaaxo u sii fadhinaa.Dabadeetana aanu ku go'aansanay in gudaha la isku shubo shir aanu
ku yeelanay Laanqayrta markaa ka horna sidaa waxa soo codsaday alle ha u narariistee
Lixle oo yidhi waxa aan u baahanahay in la igu soo xoojiyo waayo aniga iyo Xasan Yoonis
waxa aanu xilliga ku qornayn Sheed Dheer”.
Tirada ururka SNM xilligaas aad buu uga yaraa ilaa 500 oo qof ,waliba u badnaa saraakiil
qabanayey dhamaan hawlaha  ciidan oo dhan  dirawalnimo,tababarid,sahan,hogaamin iwm.
Mujaahid Cabdikariim Xaashi Cilmi ayaa isagoo ka waramay arinta dhabta aheyd ee ka
jirta  gudaha ciidanka SNM ayaa lahaa :“Xaaladda ururka SNM waxay xilligaa ahayd mid
iska liidatay xagga ciidammada iyo xagga saadkaba. Maalintaas waxaannu ku jirnay
toddobaad socod ah, dagaalkaasina waxa uu ahaa mid laysla hiir-beelay, waxana ku
dhintay mujaahidiintii ugu qiimaha weynaa ee SNM, kuwaas oo mudan in la xusuusto oo la
ururiyo taariikhdooda”.
20
Xuskii maalinta shuhadada ee 17-10-2007 ayaa  Aadan Maxamed Diiriye (Aadan Ruush),
uu si qoto dheer uga xog warramay taariikhda 17 October iyo ujeeddooyinkii hawlgaladaas.
Waxaanu sheegay in qorshaha maaintaas lagu  socday uu ahaa in ciidammadii SNM  ay
dalka gudihiisa saldhigyo ka samaystaan.Waxaa kaloo uu shgeeay in ujeeddada
hawlgalkaasi ahaa  in Buuralayda iyo dalka gudihiisa saldhigyo laga sameeyo oo halkaa
ciidamo SNM ahi ku sugnaadaan.Tani oo suurtogalinaysay in halkaa laga jabhadeeyo anigu
.Aadan Ruush maalintaas wuxuu ku sugnaa magaalada Jigjiga oo uu ururka Jigjiga uga
wakiil  ahaa.Jigjiga xilligaa waxay aheyd halka dagaallada iyo maamulkaba laga
taakulaynayey oo raasaasta iyo adeegyada kaleba ciidammada looga keenayey.
Aadan Ruush ayaa isagoo ka waramaya dhimashada maalintaa  si gaar ah u tilmaanayd
lahaa :“Dagaalka SNM had iyo jeer wuu iska barakaysnaa dhimashadiisu may badnayn,
dagaalkani [Buro-duuray] wuxuu ahaa dagaalkii noogu dhimashada badnaa oo labataneeyo
ku dhawaad ay ku dhimatay, meel boqolaal Faqashta kaga dhinteen bay afar qof  SNM-ta
kaga dhiman jirtay, maalintaasaa noogu dhimasha badnayd, dagaalkiina ujeeddadii laga
lahaa hadday fushay guul buu ku dhamaaday.”
Mujaahid Lixle ayaa hogaaminayey maalintan mudan  maamuuskeega , kuna suntan
bogaga taariikhda ee Somaliland.
-Nalka wadooyinka ee magaalada Hargeysa (Traffic Lights):
Inkastoo nalkaa  kala haga wadooyinka magaalada Hargeysa la hirgaliyey  geeridii
Mujaahid Lixle ka dib, waxaa mudan in la sheego inuu Lixle  qayb weyn ku lahaa  arintaa
gashina galiyey.Odayaashii, aqoonyahankii iyo waxgaratadii ummada ayaa  jeelka
Madheera lagu guray xilli ku beegnayd 1983. Mujaahid Lixle wuxuu dareemay inay
arintani dabar go’ weyn ku tahay ummada dhulka haatan ah Somaliland,sidaa darteed ayuu
hawlgalkiisii ugu horeeyey ee ciidan  weerareed ku bilaabay dib ugu soo celinta xoriyada
laga qaaday  dadweynahaa, tusayna dawladii habaarqato inay jiraan  dad dhiiran oo hiil iyo
hooba la garab taagan dadka cagojuglaynta lagu hayo.Waxaa maxaabiistaa ku jiray Cawil
oo loo tiriyo maamul degmeedka(mayor)  kaliya ee soo maray Hargeysa , wax muuqdana
qabtay oo ah nalkaa wadooyinka kala haga .Ilaahay doonistii ka sakow, Dareenka Lixle
la’aantii nalkaasi muu daarnaadeen.
21
Dhacdooyinka Tilmaaman :
- Horaantii 1977 kii waxaa degaanka Gabiley aad looga dareemay roob la’aan xad dhaaf
ah keentayna biyo la’aan guri walba saameyn ku yeelatay .Waxaa qaybta 26aad haystay
Salxaan. Mujaahid Lixle oo hawshiisa ugu weyni aheyd u hawlgalida hawlaha lagu
taakulaynayo dagaalkii 1977 kii, hase yeeshee waxaa dareenkiisa ka tagi wayday biyo
la’aanta ka jirta aaga uu joogay markaa oo uu go’aansadey inuu wax ka qabto  in badana ay
is hor fadhiistaan hormoodkii ciidamada xiligaa oo uu ugu horeeyey Salxaan. Waxaanu
mujaahid Lixle ku doodayey siday suurtogal u tahay in dadkeenu haraad aan wax ka qaban
karno u dareemaan suurtogalna ku tahay in booyado biyo ah ay dhinac maraan dad u
baahan.
Dadaal badan ka dib , wuxuu u hawlgalay dayactirkan  si fiicana wax uga qabtay
.Hormoodka degaanka Gabiley oo ay hogaaminayeen labada waayeel ee Sh.Muxumed
Raage(IHUN) iyo  Sh.Muxumed Warsame  (IHUN) abaabuleen qorshe ahaa in la hor
fadhiisto wiilkan dhalinyarada ah ee waxtarka intan leeg gaystay loona mahadnaqo si fool
ka fool ah.Kulan la cayimay dhawr jeer muu suurtogalin iyadoo  uu marna Korneyl
Cabdiqaadir Xaaji Cumar Askar  dartii oo marti  u noqdey  Mujaahid Lixle  suurtogalin
la’aanta kulamadaa ka qayb qaatey. Hase yeeshee ugu danbeyntii kulankii wuu hirgalay
waana lays fahmay. Kulankaasi si fiican buu u dhacey markii danbe oo mujaahid Lixle ka
helay duco, waano iyo salaad joogtayn.
Culimadaasi  oo matalyey dadweynaha degaanka uu kaalmeeyey way u mahadnaqayeen
,Mujaahid Lixlena  wuu ka faa’iiday kulankaa.Waxaana si fiican u dareemay dadkii
halganka kula jiray Mujaahidkaa Lixle sida  mujaahid  Rashiid Sh.Cabdilaahi oo ka
waramayey halgankii ayaa yidhi:“ Waxyaalaha laysku hayey waxaa ka mid ahaa in laba
dhinac  loo kala jabsanaa  dhinaca diinta oo Mujaahid Lixle koox ku jiray
hormoodkooga…”. Halka laga hayo inay halhays u noqotay mar kastoo dagaal la galayey
inuu  askarta waydiiyo “qof aan salad tukanin ma idinku jiraa ”. Mujaahid Cabdixakiin
Maxamed Aadan (Ihun)oo ka waramyey hawlgalkii Badbaado ayaa yidhi: “…….
Alaabadayadii tuurtaanu ku qaadanay, 45 nin baanu ahayn Maxamed Xaashi Lixle
falaytkii ugu horeeyey ee aanu samayno waxa uu nagu yidhi qof aan tukanini ma idinku
jiraa, waana ereyga aanan weligey ilaawayn, dhawr mujaahid baa yidhi haa, wuxuuna
yidhi imika maryihiina ku maydha durdurkan waynaynu wada tukanaynaa nin aan
tukanayn dagaal wada geli mayno”.
-Mujaahid Maxamed Kaahin oo ka hadlaya furashadii Mandheera ayaa yihi: “Dhacdadani
waxay ku soo beegantay xili uu taliskii Siyaad Barre cadaadis ku hayay dadkii
Soomaaliyeed ee uu xukumayay iyadoo markaa jeelka Mandheera lagu xidh-xidhay rag
badan oo waayeel ahaa oo intooda badan laga ururiyay magaalada Hargeysa. Waxaana lagu
xidhxidhay Mandheera.Taana ujeedada uu taliskii Siyaad ka lahaa waxay ahayd inuu cabsi
iyo argagax ku abuuro dadka shacabka ah si aanay wax dhaqdhaqaaq ah u samaynin.
Waxaa markaa gudaha ku sugnaa oo xidhiidhinta hawlgalka ka waday geesigii caanka
ahaa, mujaahidkii Qaaliga ahaa. Muj: Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) isagoo bil ka hor
noogu yimid Gaashaamo. Waxaana soo qaaday Muj: Aaden Dayuur, isagoo Lixle intuu
caadi uga qaaday Hargeysa caadina ugu soo noqday.
22
Markaa Muj: Lixle wuxuu la yimid fikrad ah maadaama uu cadaadis badani dadkii gudaha
ka haysto maadaama lala dagaalamayo dadka qiyamkoodii waxaa loo baahanyahay in
hawlgalkii Mandheera oo kale la fuliyo si dadka Mooralkooda sare loogu qaado taliska
Siyaad Barre-na loo tuso in dadka uu boholaha ku guray ay jiraan qaar kale oo halgamayaa
oo u hiilinaya, taasoo fajiciso ku ridaysa. Run ahaantii fikradaasaa sal u ahayd hawlgalka”.
Falcelinta Saaxiibadii :
-Cabdiraxmaan Cawl “Baqdaadi” oo ka waramaya hab dhaqanka Mujaahid Lixle ayaa
yidhi: “Wuxuu ahaa nin aad u dhiiran, had iyo jeerna ugu hormara hawsha uu rabo in la
qabto.Wuxuu ahaa nin aad u afgaaban waxqabadkiisuse badan yahay,waxaa faro ku tiris ah
inta shir ee uu ka qayb galay intii lagu jiray halgankii SNM,inkastoo hawl uu ka madhnaa
aanay jirin,waxaase tiro batey inta hawl halgameed ee uu ka qayb galay”.
Waxay tani ka afcelinaysaa inuu ka anboqaadayey  eray hawleedkii
ahaa hadal yar hawl badan baa ummadaydaay horumar lagu gaadhaa .Waxay tani si qurux
badan inoo xasuusinaysaa  oo kale habdhaqankii toosnaa  Nabigeena (SCW) oo  hawl kasta
la qabanayo ugu horayn jiray lana qaban jiray asxaabta(RC), sida godkii dagaalkii
“Khandaq”, timo xiiristii heshiiskii Xudaybiya , iwm.  Hawl yar , hadal badan baa
ummadaydaay horumar lagu gaadhaa ayaa  hogaan u aheyd mujaahid Lixle.
-Rashiid Sh.Cabdilaahi “Rashiid gadhweyne” oo   ka waramaya   Lixle wuxuu yidhi
“Wuxuu ahaa nin aad u daacad ah wuxuu aaminsan yahay, aad u hadal gaaban, hawl
qabashada hayin u ah, inta badan noloshiisa ku  jiray meel halis ah si uu uga midho dhaliyo
halgankiisa, una rumeeyo hamigiisa .
-Mujaahid  Turki oo ka waramaya maalmahey ugu darneyd wuxuu ku darey in maalintii
furashada jeelka Madheera uu ka horeeyey Mujaahid Lixle ,ayna arkeen askariga dusha
sare jooga oo dhinacooga soo eegaya iyagoo ku gabanaya gidaar  uuna mujaahid  Lixle ka
codsadey inuu hore u dhaqaaqo isagoo ku yidhi “hore u soco markuu askarigaa dusha
joogaa ku toogto (dilo) ayaan dilayaa ”.Markaasuu Mujaahid Turki wuxuu  ku hadlo garan
waayey horena u dhaqaaqey mise waa askarigii oo  qorigii uu kor u qaadeyba dhulka yaala
ayna qabsatey  xabadii uu ku riday mujaahid “Lixle ”.
23
- Axmed Maxamed Siilaanyo oo ka hadlayey Xafladda(19 Oct, 2007) shabakadda
Halganews ku soo bandhigtay qayb ka mid ah sawirrada iyo qoraallada halgankii SNM oo
lagu qabtay hoteelka Imperial ee magaalada Hargeysa wuxuu yidhi :“17 October waxaa loo
asteeyey inay noqoto maalinta shuhadada ururkii SNM oo ku beegan sannad-guuradii
23aad ee ka soo wareegtay waqtigii uu dhacay dagaalkii u horreeyey ee ay si fool-ka-fool
ah iskaga horyimaaddaan mujaahidiintii SNM iyo ciidammadii taliskii Siyaad Barre,kadib
markii ay weerar aan gabbasho lahayn ku qaadeen saldhiggii ciidammada Faqashta ee
Burco-duuray 17 October 1984-kii, dagaalkaas oo ay ku shahiideen dhawr iyo labaatan
mujaahid oo uu ku jiray Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) oo hoggaaminayey
hawlgalkaas, kana mid ahaa shaqsiyaadkii bud-dhigga u ahaa hanaqaadka geeddi-
socodka halgankii hubaysnaa ee SNM”.
- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe oo  ka hadlayey
xaflad(Oct 19, 2008 ) xuska mujaahidiinta aya yidhi: “Maalintii Shuhadadan la laayay ee
17-kii October anigu waxaan joogay Xamar, qoladii Faqash ismay lahayn SNM dib bay u
waari doontaa. Waxaanay u qaateen SNM in ay u dhammaatay maadaama ay raggii ugu
sarreeyay ka dhinteeen. Mujaahid Lixle xitaa raggii cadowga ayaa u qiray inuu ahaa nin
qiimo leh oo halyay ah, waxaanay ku sheekaysanayeen in ninkaasi uu ahaa nin Cilmi leh
oo Injineer akhlaaq iyo edeb leh ahaa”.
- Mujaahidada Yurub Abiib Cabdi oo ka mid ahayd  haweenkii faro ku  tiriska ahaa ee ka
soo qayb-qaatay halgankii dib-u-xoreynta ee uu hormoodka ka ahaa ururkii SNM, haatana
ka mid ah masuuliyiinta Jimciyadda Sooyaal,ayaa u ducaysay mujaahidiintii ku shahiiday
halgankii dib-u-xoreynta ee SNM, gaar ahaan Mujaahid Maxamed Xaashi (Lixle), oo ay
sheegtay inaanay iyadu arag balse ay taariikhdiisii iyo doorkiisii halyeynimo baratay xiligii
ay iyadu ku biirtay halganka.
-Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Hargeysa, Axmed Cumar Cabdillaahi
(Xamarji)  ayaa  lahaa : “Maanta munaasibaddan xuska 17 October,2007 waxay ku soo
beegantay xilli diiwaangelinta codbixiyeyaashu dalka ka socoto, diiwaangelintu maaha wax
uu Daahir Riyaale keenay, maaha wax gudoomiyaha Komishanku keenay, maaha wax ay
Axmed Siillaanyo iyo Faysal Cali keeneen, balse waxaa keenay Lixle oo hadaanu Lixle u
dhiman may timaadeen maanta diiwaangelintu.”
- Mujaahid Cabdillaahi Askar oo ka hadlayey xaflad(18 Oktoober ,2007 ) lagu xusayey
maalinta mujaahidiinta ayaa  waxa uu yidhi; “Mujaahid Lixle madigii gudaha ee aannu
haysanay ayuu ahaa, waxaannu ahaa halyey qiimo badan oo SNM ku goblantay”.
24
Geeridii Lixle :
Bahda Mareegta Farshaxan
Oktoobar 17, 2009
Gadhqaadkeedu waa leexsanyahay, waana gudayaaye
Garar loo maleeguu ku ridey, guura socodkiiye
Guudkeedu waa wada finiyo, gaatir iyo booge
Hadday gooli-baadh tahay waxaa, gabay raggeediiye
Guyaal iyo guyaal bay rarteen , gocorro shaydaane
Iyadoon goblamin baa haddana , geelo loo hadhaye
Gol-dalooladeedaa ka badan, galalka ciideede
(Hadraawi)
Waxaa isa soo tarayey kalsoonida sii yaraanaysaa ee dawladii Itoobiya ay ku qabtay
jabhadaha SNM iyo SSDF. Si ay SNM u muujiso inay u soo baxeen halgan ayaa
saraakiishii ciidamadu ka fureen tababar magaalada Awaare .Waxaa kaloo jirtay inay
ciidamada faqashtu socdaal joogto ah ka iman jirtay ilaa magaalada Labisagaale kuna
imanayeen ilaa Qawlbuulale iyo Burco Duuray. Tababarkii markuu dhamaaday ayaa
saraakiishii goosteen inay dhaqdhaqaaqan ciidamada faqash yareeyaan oo dagaalkii
saddexlaha(Aaga bari , aaga dhexe ,iyo aaga galbeed) ahaana la galo.
Mujaahid Lixle ayaa diyaariyey markan qorshe balaadhan oo loogu diyaargaroobayey
gudogalka dalka aadna loogu qancay inaanay jirin sabab kale oo loo sii joogo Qaaxo.
Ibraahin Dhagaweyne iyo Xasan Yoonis waxay joogeen Sheed Dheer, Axmed Mirena
wuxuu joogay Daalaco, Baaldhayena waxaa ku sugnaa Maxamed Kaahin,Ismaaciil
Ganacsato,Garandaash ,Abokor Yare iwm, halka Ibraahin Koodbuurna ahaa abaanduulaha
ciidamada xoraynta ee SNM.Sidoo kale Lixle oo maalmo yar uun ka hor ka degay
Xooghayaha gaashaandhiga isaguna soo degay Burco Duuray.Waxaana Xarshin ku
sugnaa Aadan Shiine oo ahaa xoghayaha gaashaandhiga ayna weheliyeen taliska
galbeedka ee Maxamed Cilmi Galaal , Mahdi Cali Faarax ,Aadan Saleebaan Cali iwm.
Kolay wartabiye lama waayee, ciidamadii faqashtu waxay ka war heleen qorshahan
balaadhan sidaa darteed wuxuu Gaani soo xulay ciidan beeleed uu ka kala keenay
Cadaadley uuna ka mid ahaa diinta lagu wada gabaye ka sheegta iminka sheekha ee
Xasan C/llaahi Xersi (Xasan Turki) iyo Hargeysa , waxaana hogaan looga dhigay ciidan
beeleedkaas nin mijir ahaa oo la odhan jiray Jihaad.
Mujaahid Lixle ayaa xiligan dhiniciisa ka diyaariyey qorshe ballaadhan oo loogu
diyaargaroobayay guddagalka SNM ,waxananu ka codsadey fulinta hawlgalkaa
saraakiishii oo iyagu laftigoodu taageeray qorshahaa ka dib shir ay ku yeesheen
Laanqayrta .
Markaa ay soo baxayeen ciidamadu faqashtu ayaa waxaa uu Ibraahin Dhagaweyne
warqabadkii isgaadhsiinta uu ka ogaaday inay faqash diyaarinayso weerar gaadmo ah oo
ay ku qaadayso saldhigyadaa, dabadeeto wuxuu taar u diray Taliska Guud .Taarkaas
wuxuu uga digayey tibaaxdaa uu helay laakiin nasiib darro Ibraahim Kood-buur oo ahaa
25
abaanduulaha SNM-ta oo uu xilligaa fadhigiisu u badnaa Celiyo oo cabaar u jirta Burco-
Duuray wuu ka maqnaa saldhigiisa oo muu helin Taarkaas, hasa yeeshee waxa uu taarkii
helay labadii duhurnimo maalintii danbe ee 17-kii October markii uu ku soo noqday
Celiyo, dabadeedna inta uu ku naxay ayuu is rogay si uu uga gaadho Burco Duuray oo uu u
wargeliyo.
Sida uu sheegay Mujaahid Yuusuf Maydal dagaalkaasi dhex maray faqashtii iyo
ciidamadii ayaa Burco Duuray socday 2:00 Duhurnimo ilaa 6:00 maqribnimo ,waxaana
guutadadii Sayid Cali la odhan jiray oo ka koobanayd dhamaan fadhiisimihii SNM uuna
taliye u ahaa Mujaahid Lixle kagaga shihiiday ku dhawaad sodomeeyo Mujaahid, iyadoo
dadkii degaankaana ay kaga dhinteen ilaa sodomeeyo kale , halka ay kagaga dhaawacmeen
sodomeeyo mujaahid dhinaca faqashtana waxa kaga dhintay 150-Askari waxaana kaga
dhaawacmay 32-Askari hub iyo gaadiid badana waa laga qabsaday. Ciidamada SNM ee
halkaa ka dagaaldhigay ee u gaashaandhigay saanadii,awoodii,iyo xoogii ciidankii
faqashta ee sida beelaysan loo soo hawlgaliyey sida la ogyahay tiradoodu may gaadhin
200 mujaahid.
Mujaahidiinta halkaa ku shahiiday waxaa ka mid ahaa Marxuum Mujaahid Maxamed
Xaashi Diiriye oo noqotay hagardaamo weyn oo runtii soo gaadhay ururkii , hase yeeshee
aan waxba ka badalin qorshihii dagaal ee dhidibada uu u taagay mujaahid Lixle lana galay
dagaalkii buuraha sidii qorshaynayd.Kumay riyaaqin dagaalkaa faqashtu ee wuxuu
dhaxalsiiyey hoog iyo halaag culus, halkaasaana loogu qoorgooyey ilaa hogaamiyihii
ciidan beeleedkaa ee Jihaad la odhan jiray.Waxaa kaluu awoodooda wiiqay gaaskii labaad
ee qaybtii 26 taasoo hawl yareysay gudagalka mujaahidiinta SNM oo xuduuda ku
dherersanaa.
Mujaahid Lixle hooyadii Ardo oo ka waramaysa geeridaasina ayaa sheegtay in telefoon
loo soo diray looguna sheegay geeridaa inankeedii Lixle .Maqalkaa ah in uu Lixle dhintay
ayaa sababtay inay dhulka ku dhacdo,miyir doorsoontana. Hase yeeshee markay
baraarugtay is aragtay iyadoo taala dhulka oo dhinacaa bidix oo dhami Baralaati (aanu
dareen lahayn) yahay.Dhaawac maalintaa ka soo gaadhay feedhaha iyo dhabarka ayaa
Hooyo Ardo ilaa hadda la jiiftaa oo dhulyaal ku tahay. Mujaahid Lixle ayaa aabihii
naxdintii iyo xanuunkii uu geeridaa ka qaaday muddo yar ka dib uu u geeriyooday.
Halkaasuu mujaahid Lixle ku shahiiday bishii Oktoobar 17keedii,1984.Waana maalinta
loogu magac daray maailnta mujaahidiinta oo aheyd maalintay ciidamada SNM ugu
dhimasho badnay.
26
Xus iyo Maamuus :
Si loo sugo jiritaanka magaca halgamayaashii ayaa mid ka mid ah labada xaafadood ee ugu
waaweyn Hargeysa loogu magacdaray Mujaahid  Lixle. Waxaan marna maanku
hilmaamayn siidayntii maxaabiistii Madheera oo guul weyn aheyd hagardaamana ku aheyd
dawladii habaarqabto.
Sheekh Aadan Siiro oo ka hadlayey mujaahid Lixle ayaa lahaa : “Mujaahid Lixle wuxuu ka
mid yahay dadka tirada yar ee dhifta ah ee ummada reer Somaliland ku dhaadato”.
Waxaanu xusay Sheekh Aadan Siiro in ay ayaan daro tahay in dadkii noocaas ahaa ee udub
dhexaadka u ahaa taariikhda dalka la iloobay.
Maalintaa ku beegnayd dhimashadii Mujaahid Lixle (IHUN)  iyo Mujaahidiintii  la
geeriyoodayba waxaa loo qoondeeyey in laga dhigo maalinta Mujaahidiinta, waana  maalin
qiimo weyn ku leh ummada Somaliland oo aan la ilaawi  karin,halka ay mujaahidiinta
qaarkood ku tilmaameen inay ahayd maalintii ay isbarteen Faqash iyo SNM.
Geesiga mujaahid Lixle ayaa tix iyo tiraaba lagaga hadlay, waxaana  ka mid ahaa
maansoyahanka  magacaabay  Aadan Tarabi Oogle, Maxamed Ibraahim Warsame
Hadraawi, Ibraahim Aw Saleebaan Cilmi Gadhle, Maxamed Axmed Xirsi, Cali Banfas iyo
rag kale oo badan.
Birjeex deedankeedii
Laga diday kulkeediyo
Degsan baan ku dhaartay
Lixle damacyadiisii
Diric Ina Saleebaan
Duxan baan ku dhaartay
Hadraawi
Hadaanan hadaanan
Hadaanan gadoodka
Lixloow guga maanta
La soo hadhin guusaha
Waxaan gabaygayga
guubaabada ciilka
Gammaanka cadhaysan
Gargooska ku naaxsho
Haddaan gulufkooda
ku soo gambiyaaye
Cali Banfas
27
Shilke-liqe, Shaf-buur iyo Maloosh, Shakaytiyo Waafi
Shakiib Burur, Shiri iyo Nagiib, Shaarub iyo Xaamud
Shir-bilihii Koosaar iyo Tusbax, Shiishaayiyo Aaden
Shayib Gurey, Shabcaaniyo Bidhiidh, Sheekeeyiyo Raage
Shulaac iyo Malgaash iyo Lixle, Shoodhe Gacma-dheere
Yuusuf Dhamac Xasan
Hindisihii ina Xaashi waa, Lama Hilmaamaane
Duqsi waa Halkuu Galay Raggii, Huriyay Duullaane
Waa Halkuu Wadaad-Diid Go`aan, Qaatahy aan Hadhine
Waa Horseedkii Koosaar Wadiyo, Haybsigii Madare
Waa Horkicii Jimcaaliyo Ragguu, Soo Hannaan baraye
Maxamed Cali Cartan (Haldeeq).
Dhacdooyinkii gu’gii 1984kii:
-Bishii March 1984 waxa xabsiga loo taxaabay sideed iyo toban arday (18) oo da’doodu
ka hoosaysay 17 jir iyo macalin la odhanjiray Cali Xasan Adan (Ali-Banfas)
-Maxamad Mooge Libaan Ilaahay naxariistii janno haka waraabiyee wuxu shahiidey
5/6/1984 kii isago hawlihii xoraynta ku fogaan.
-24 Nov 1984 Waxaa la afduubay diyaaradii 707 lagana afduubay magaalada Muqdishu
lana dajiyey madaarka caasimadda Itoobiya ee Adis-ababa .Waxaa fuliyey falkaa
geesimada lahaa Cawil Cadami Bur-haan oo ahaa Kabtan ka tirsanaan jiray ciidankii
Asluubta Soomaaliyeed, Baashe Muuse (Baashe-diig) oo isna ahaa macalin wax ka
dhiga.Waxaana  madaarka Adis-ababa kaga biiray afduubka diyaaradda  C/wahaab Cabdi
Jaamac (Nakruuma) iyo Siciid Yuusuf Cabdi (Xabashi), waxayna ka mid ahaayeen
dagaalyahankii ururka SNM ee xiligaa fadhiisimada ku lahaa dalka Itoobiya.dugsiyadii
Soomaaliya iyo Axmed X. Maxamed (Axmed-waraabe) oo isna ahaa macalin wax ka dhiga
dugsiyada…
-1984kii bishii 11aad waxay Ciidamada SNM dib u abaabuleen dagaal balaadhan oo ay
faqsh ku jebiyeen hub badana ka furteen dagaalkaas oo ay SNM isku baahisey dhamaan
Gobolada Somaliland wuxuu mujaahid Doolaal qayb ka haa Dagaalkii aaga Dhexe ee
Shiikh halkaasna ay ka soo hooyeen Guul lama ilaawaana Ciidamadii uu ka mid ahaa ee
SNM .
-Sannadkii 1984kii waxaa sii xoogaystay awoodii SNM markii uu ururka kusoo biiray Cali
wardhiigle( alle hawnaxariisto wuxuu ahaa master minded of USC) oo noqday xogahaya
ururka markii Guddoomiyaha loodoortay Ahmed Mohamed Siilaanyo( formed Somalind
minster of planing).
- Bishii Ogoost 1984kii ayaa, Shirweynihii 4aad ee SNM uu ku qabsoomay magaalada
Jijiga..
- 1984  bishii Novembar Waxaa dhamaan   gobolada woqooyi (Somaliland iminka) lagu
soo rogay  bandoo.
- Hargeysa (17 Nov.1984):  Waxaa lagu toogtay  37  qof  oo Ismaaciil Sh..IBraahin
Sh.Muuse iyo Cabdilaahi Cabdi Good  Hargeysa  lagaga daray ,halka inta kale laga soo
qabqabtay Buuraha.
28
- Burco(20 Disambar 1984) :
Waxaa la soo qabqabtay tiro ah 40 qof halka 32 ka mid ah ay maxkamadu dil toogasho
ku xukuntay oo 20 ka mid ahaa la toogtay
- Sheekh (19 Nov.1984)
Waxaa la soo ururiyey 11 qof oo dhamaantood la toogtay
- Bishii August 1984 ayaa wax qabsoomay Shirweynihii afraad ee Ururka Dhaqdhaqaaqa
Wadaniga Soomaaliyeed [SNM]. Waxaa xilka gudoomiyenimada waqtigaa u sharaxnaa
Xasan Aadan Wadaaddiid(Ihun), Sh Yuusuf Sh.Cali Sh.Madar(Ihun) iyo Axmed
Maxamed Maxamuud (siilaanyo).Iyadoo la tixgalinayo duruufaha shirka ku xeersanaa iyo
marxalado xasaasi ah oo ururku ku sugnaa waqtigaa ayaa lagu kalifay in ay ka tanaasulaan
musharaxnimada gudoomiyaha ururka Xasan Aadan iyo Sh.Yuusuf. Waxaana
musharaxnimadii kali ku soo hadhay Axmed Siilaanyo(Last Man Standing) loona dooratay
gudoomiyaha SNM .
Bahda Mareegta Farshaxan
Oktoobar 17, 2009
29
Gunaanad:
Bahda Mareegta Farshaxan
Oktoobar 17, 2009
Waxaan qoraalkan ku soo gabagabaynaynaa sooyaalka mujaahidiinta in la ururiyo gar bay
u leeyihiin dalka iyo dadkaanay faa’iido badan u leedahay .Sh.Aadan X.Maxamuud
“Sh.Aadan Siiro” oo arintaa ka hadlayeyna wuxuu yidhi:“Ma lihi mujaahidiintii dalka u
soo dagaallamay waxay ahaayeen sidii mujaahidiintii saxaabadii, qaar ay diintu ku
qalloocatay ayaa odhan doona Aadan [Siiro] waxa uu yidhi, Lixle iyo Kood-buur waxay
ahaayeen mujaahidiintii saxaabada kuma lihi ee waxay ahaayeen dad ujeeddo leh oo
ummad xoreeyey waxayna xaqiijiyeen oo naftoodii iyo maalkoodii bixiyey una huray
dadkoodana ka mudan in la qiimeeyo, in la daryeelo, in taariikhdooda gidaar walba lagu
xardho, taas oo aannu dabooli karin nin maanta joogaa ha noqdo Madaxweyne, ama wasiir
ha noqdo ama ka dambe ee imanaya ha noqdee. Walaalayaal, ma yeelayno, mana
oggolaanayno, ummadnimadeennuna jiri mayso. Markaan leeyahay Somaliland wax ka
sokeeyaa ma jiro ama qabiil kama jiro macnaheedu maaha taariikhdii SNM ha la baabiiyo,
taariikhda SNM way sugnaanaysaa oo waa tii Somaliland dhashay, waa in la adkeeyo waa
ummadnimadeenna iyo wixii aynu u soo burburnay taariikhdeeda sugideedu.”
Berigii uu Mujaahid Lixle shahiiday (Illahay ha u naxariiste), ayaa Muj. Ahmed Silanyo la
weydiiyey cida buuxin doonta garabka weyn ee uu shahiidkaasi inagu baneeyey, waxaanu
ugu jawaabay, in SNM ay maanta Muj. Lixle wada yihiin oo ay joogaan kuwii uu soo
tababaray ama tabaha ka bartay ama kuwii dagaal yiqiiney ee ka garab dagaalami jiray.
Halgankii SNM Waadadnimo, Hadaf Ka Oognaaye
Waa Himilo Taariikh Huwaday, Lama Hilmaamaane
Halas iyo Dhib Baa Loo Dhex Galay, Holac Rasaaseede
Harraad iyo Dhib Baa Laga Mutiyo, Holan Dharaareede
Hanfi iyo Cadceed Buu Lahaa, Heegan Joogto Ahe
Hayaan iyo Jid Dheer Baa La Maray, Habaq Lihiisiiye
Haybsigiisa Muddaa Lagu Maqnaa, Loo Habeen Dhaxaye
Hawd iyo Dhir Baa Loo Dhex Galay, Meel Hareeriya e
Sida Habar Dugaag Baa Kobaha, Loo Huluushadaye
Hogag iyo Dhufays Baa Dermiyo, Hoy La Dhaafsadaye
Hayinkii La Rarayaa La Qalay, Hirashadiisiiye
Hanti iyo Adduun Baa Ku Lumay, (Aan) Hadalku Koobayne
Haween iyo Carruur Baa u Qaday, Libinta Hoobaane
Halgankii Qadhaadhaa Jidkii, Lagu Halaakoobay
Hanbalyiyo Abaal Marin Halkaan, Higil Ka Dhawraayey
Hog-seeg Inaad Ku Sheegtiyo Inaad, Hadur Ka Soo Qaaddo
Waa Kuu Halhays Xumo Inaad, Dib u Hilmaantaane
Ku Hagoogta Taariikhda Waa, lagu Hal-maalaaye!!!
HAL-MAAL" Maxamed Cali Cartan "Haldeeq", 07/02/2008.
30
Garaad ku hayn:
Bahda Mareegta Farshaxan
Oktoobar 17, 2009
Waxaa jira gu’yaal   mudan in aad loo sugo sooyaalkooda, taariikhda Somalilandna ku leh
raad aan gaboobayn ayna ka mid yihiin :
1- 1984kii iyo 1987kii Xilligiyadii ugu geerida badnayd saraakiishii halganka :
1984 : Mujaahidiinta shahiiday waxaa ka mid ahaa Maxamed Mooge Liibaan, Aadan
Shiine, Mujaahid Lixle, Ismaaciil Guuleed, Aadan Cali Guuleed, Daa’uud Axmed
Cali, Maxamed Qawdhan, Xassan Beyleh, Cawil Aadan, iwm
1987: Mujaahidiinta shahiiday waxaa ka mid ahaa Cabdu Qaadir Koosaar, Aden Shiine
2- February 20,1982 iyo September 12, 2009
Labadii xilli ee  kacdoon xaq u dirir ah ooy ardey hogaaminayso soo maray dalka
Somaliland  mid walbana waxaa ku dhintay Barre Xaji Cilmi (arday) iyo Qawdhan Cabaas
,halka kii danbena ay ku dhinteen Siciid Saxardiid Mataan  iyo Siciid Cumar Macalin.
Ilaahay  ha u naxariisto iyaga iyo intii gardaro  garab og darted u shahiidayba
Guud ahaanba intii SNM jirtay waxay yeelatay 5 guddoomiye oo u kala danbeeyey
maamulka .Waxaanay kala ahaayeen:
Mujaahid Axmed Jimcaale Guuleed (Allah Yarxam)
Mujaahid Sh Yuusuf Sh Cali Sh Madar (Allah Yarxam)
Mujaahid  C/qaadir Koosaar (Allaah Yarxam)
Mujaahid  Axmed Maxamed Siilaanyo
Mujaahid C/raxmaan Axmed Cali (Alah ha naxariisto).
31
Tixraac:
- Qolka Kaydka ee Mareegta Farshaxan.
- Milicsiga  Maalmihii
CABDIRAXMAAN “TUUR”..
Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale
-Barnaamijkii Somaliya iyo qarnigii tagey
Daadihiye :Aadan Nuux Dhuule
-Wareysi: Rashiid Sh. Cabdilaahi “Rashiid gadhweyne”.
Bahda Mareegta Farshaxan
-Wareysi: Cabdiraxmaan Cawl “Cabdiraxmaan Baqdaadi”.
Bahda Mareegta Farshaxan
-Wareysi:     CabdiSalaan Turki .
Bahda Mareegta Farshaxan
-Wareysi:   Cabdiraxmaan Faarax   Barwaaqo.
Bahda Mareegta Farshaxan
-Wareysi:   Maxamud Maxamed Liibaan.
Bahda Mareegta Farshaxan
-Wareysi  Mujaahid Cabsiiye Maxamed Cabdilaahi Cabsiiye.
Cabdilaahi Cakuse (Wargeyska Saxansaxo)
-Wareysi: Mujaahid Faarax Yuusuf Nuur, (Faarax Xadhige).
QaadeNaasir X.Ciise (Ina geel jire)
-Qoraal : Aasaaskii Jabhada Afraad
Cali Cumar xasan
-Qoraal :  Dhacdooyin ku saabsan  halgankii ururkii
Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed
( S.N.M. ).
Cabdiraxmaan Cawl (Baqdaadi)
-Mareegaha:
Halgannews.com, Hadhwanaagnews.com, Gabileynews.com,
Ramaasnews.com, Oodweynenews.com, Somaliland.org, Golisnews.com,
Sooyaal.com,Radiosomaliland.com.
Mujaahid Maxamed Xaashi "lixle"

No comments:

Post a Comment